Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Sharciyada»FADEEXAD: Xeer ilaaliyaha Guud & ku xigeenkiisa oo la kala saftay guddoomiye Muungaab iyo Wasiir C/risaaq (Faaqidaad)

    FADEEXAD: Xeer ilaaliyaha Guud & ku xigeenkiisa oo la kala saftay guddoomiye Muungaab iyo Wasiir C/risaaq (Faaqidaad)

    October 16, 2015Updated:November 7, 20153 Mins Read Sharciyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa muuqata inay ka taagan tahay xaalad khilaaf ah kadib markii ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud Mukhtaar Nur Abukar uu sheegay in wasaaradda Amniga ay xaq u leedahay inay xirto wadooyinka Muqdisho, ayna tahay hay’adda qaabilsan dhinaca ammaanka oo dhan.

    Mungab-dahir-cumar

    Warka xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa soo baxay saacado kadib markii xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir uu sharci darro ku tilmaamay warqad ka soo baxday wasaaradda Amniga Gudaha oo Hay’adda WFP loogu fasaxay inay xerato wadada tagta Garoonka diyaaradaha qeybta xigta dhismaheeda, arrintaasi  oo uu ka hor yimid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Muungaab eedeyn ba’an u jeediyay wasiirka Amniga.

    DHAGEYSO CODKA XEER ILAALIYE XIGEENKA

    http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2015/10/Xeerilaaliye-xigeen.mp3

    Xeer ilaaliyaha oo barbar taagan Muungaab ayaa isna taageeray tallaabada guddoomiyaha wuxuuna caddeeyay in dowladda hoose ay qaabilsan tahay arrimaha wadooyinka iyo xeritaanka jidadka. Laakiin ila xafiiska xeer ilaalinta ayaa hadalka xeer ilaaliyaha guud ka hor yimid, waxaana mid kamida ku xigeenadiisa uu si cad ula saftay wasaaradda Amniga.

    MUXUU SALKA KU HAYAA KHILAAFKA XAFIISKA XEER ILAALINTA?

    Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Shabeelda hoose Mukhtaar Nuur Abukar wuxuu hore u ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Shabeelada hoose, lama oga xilligan xilkan cusub loo magacaabay waxaase ka maqlay isagoo mar waliba ka hadlaya idaacad qura oo Muqdisho ku taalla, idaacadaas oo kaliya uu warka siiyo, wuxuu hore ugu lug yeeshay kiiskii caanka  noqday ee kooxda Alshabaab magaalada Muqdisho ku dileen allaha u naxariistii Nafis Cusmaan Salaad oo ahayd gabar jaamici ah, isagoo damiintay haweeneydii lagu eedeeyay inay geed0-fadhiga u ahayd raggii gabadhaasi dilay ee lagu magacaabi jiray Deeqa Dirac.

    Warkii ugu horeeyay ee  Mukhtaar Nuur Abukar laga maqlay isagoo xilkan sheegaya wuxuu ahaa markii uu eedeynta u jeediyay guddoomiyaha  gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen  (Muungaab) iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo ah ninka uuku xigeenka u yahay wuxuuna labada mas’uul ku eedeeyay inay awoodda ku takri falaan oo dad ehelkooda ah ay shaqada u qoraan, xeer ilaaliyaha qaranka ayuu ku eedeeyay inuu 11 qoyskiisa ah kasoo buuxiyay xafiiska markii xilka loo magacaabaya.

    Dhageyso wareysigii hore ee xeer ilaaliye xigeenka

    http://goobjooge.com/wp-content/uploads/2015/10/Muqtaar-Nuur-Abuukarxg.mp3

    Xeer ilaaliye ku xigeenkan ayaa u muuqda inuu khilaaf shaqsi ah kala dhaxeeyo xeer ilaaliyaha guud iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, taasoo uu uga faa’iideysanayo inuu labadaas mas’uul saxaafadda ku weeraro, tani waxay muujineysaa sida hay’adaha sharciga ee dowladda Federaalka  xaalkoodu u liito oo mas’uul kasta danihiisa gaarka ah ku cabirayo sharcigii guud ee la filayay inay fuliyaan.

    Waa fashil kale oo ku yimid wada-shaqeynta hay’adaha dowlada iyo mas’uuliyiinta iyadoo horeba dowladda federaalka ee Xasan Sheekh hogaamiyo ay ku fashilantay dib u habeyn lagu sameeyo garsoorka dalka oo saddexdii sano ee la soo dhaafay aan horumar sameyn.

    Wadani.com

    C/risaaq Cumar Fad FADEEXAD Muungaab Top Xeer ilaaliyaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDAAWO SAWIRRO: Socdaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Baydhaba
    Next Article DAAWO LA YAABKA: Arday Kenyaati ah oo Qaadka ka sameeyay, cabitaan, khamro iyo wax soo saar kale

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo