Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Fadeexadii ka dhacday Doorashada Kursigii HOP#233 (Laba Musharax oo qaadacay iyo Sabab yaab leh)

    Fadeexadii ka dhacday Doorashada Kursigii HOP#233 (Laba Musharax oo qaadacay iyo Sabab yaab leh)

    November 23, 2021Updated:November 23, 20212 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ergada halkan soo fadhida cidna kama garaneyno, codna ma weydiisan karno, waanan qaadacnay Doorashada

    Doorashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#233 oo ay ku tartamayeen shan musharax, kana mid ahaa kuraasta la filayey in si weyn loogu loolamo ayaa fadeexad ka dhacday markii ay qaadaceen musharixiintii tartamayey oo sheegay inay garaneyn ergada codeyneysa.

    Waxaa kursiga isugu soo sharxay shan musharax oo kala ah:

    1- Axmed Cusmaan Diiriye

    2- Dayib C/qaadir Jaamac

    3- C/xakiin Maxamud Colaad

    4- Muna Cali C/llaahi

    5- Ibraahim Aaadan Muuse

    Laba musharax ayaa markii khudbooyinka lasiiyey qarxiyey fadexexad ku saabsan ergada wax dooraneysa, waxayna shaaciyeen inay qaadaceen Doorashada, taasoo ay sabab uga dhigeen inaysan garaneynin ergada ay codka ka doonayaan.

    “Ma garan karo si aan cado u weydiisto ergo aanan cidna ka garaneyn.. Dadkani ma garanayo, mas’uuliyadna uma qaadi karo, waanan qaadacay Doorashada,. khilaafaadka ayaana gaarsiinayaa dacwadeyda…” ayuu yiri Musharax C/xakiin Maxamuud Colaad oo qaadacay Doorashada.

    Musharax Muna Cali C/llaahi oo khubad dheer jeediyey ayaa iyaduna qaadacday doorashada kursiga.”Hal xaaraan ah Nirig xalaal ah ma dhasho.. ergada halkan joogta cidna kama garanayo, waanan qaadacay doorashada, dacwad ayaan ka xigaa..” ayey tiri Musharax Muna.

    Xubnaha Doorashada Kursiga HOP#233 qaadacay ayaa isaga baxay goobta Doorashada, waxaana sidoo kale ka haray Ibraahin Aadan Muuse, iyadoo ay markii danbe isugu soo hareen Axmed Cusmaan Diiriye iyo Dayib C/qaadir Jaamac.

    Shir jaraa’id oo uu qabtay Musharax C/xakiin Maxamuud Colaad ayuu ku sheegay inay doorashadii iyo ergadii Beesha Arab ay afduubteen Mahdi Guuleed iyo xildhibaan Bixii Iimaan Cige oo kasoo jeeda Beesha Ciidagalle, ayna musharax ay wataan u xiteen kursiga, una sameeyeen ergo an beeshooda ahayn, laguna waday Gaari Bulletproof ah.

    “Ergadeena waxaa ku jiray: Daarood, Raxanweyn iyo Hawiye, inta kale waxaa keensaday Mahdi Guuleed iyo Nin Biixi la yiraahdo dacwad ayaan geyn doonnaa, waanan daba taagnaan doonnaa” ayey tiri Muna Cali oo ka mid ahayd musharixiintii qaadacay Kursiga.

    Natiijadii ayaa noqotay inuu kusoo baxay Axmed Cusmaan Diiriye 65 cod Dayib C/qaadir uu isna helay 36 cod.

    Doorashada Golaha Shacabka Somaliland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXildhibaannadii labaad oo tartan la’aan kusoo baxday Kursi ka tirsan Golaha Shacabka (Tanaasul socda..)
    Next Article DEGDEG: Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday Qarax laga beegsaday iyo faahfaahin..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo