Fadhigii maanta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee la filayay in cod loo qaado Mooshinka Golaha Wakiilada Jubba ayaa mar kale baaqday kadib markii tiradii kulanku ku qabsoomi lahaa ee xildhibaanada la waayay oo kooram la’aan ay ka dhacday kulankii Baarlamaanka maanta.
Qorshahan wuxuu ahaa midka kaliya ee u furan madaxda sare ee dowladda iyo guddoonka Baarlamaanka kadib markii hore loo diiday codsigii xukuumadda ee ahaa in la siiyo muddo laba toddobaad ah. Madaxda sare ee dowladda iyo xukuumadda ayaa culeys ku saaray xildhibaanada taageersan inaysan tegin shirka Baarlamaanka. Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in 88 xildhibaan ay fadhiyaan oo tiradaasina aanay ku filneyn in cod loo qaado mooshin.
Waa markii labaad ee codeynta mooshinkan u baaqdo kooram la’aan. Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa kooram la’aanta fadhiyada Baarlamaanka ku eedeeyay inay mas’uul ka yihiin Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka, waxaana muuqata in mooshinkan xaalkiisu sidan sii ahaan doono howlihii baarlamaankana ay u xayirnaan doonaan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]