Waxaa goor dhow xarunta Baarlamaanka ka furmay kalfadhiga 5aad kullankiisii 4aad ee Golaha Shacabka, iyadoo ay soo xaadireen 144 xildhibaan.
Kulanak ayaa looga doodayaa Amniga, waxaana lagu dhaariyey wasiiradda cusub ee Shaqadda iyo Shaqaalaha iyo Tamarta iyo Biyaha. Kullanka ee Golaha shacabka Baarlamaanka, ayaa maanta waxaan ku sugneyn wasiirada iyo saraakiisha Amniga oo la sheegay in maalinta Berri ah loo yeeri doono.
Saxaafadda ka qeyb galeysa fadhiyada Baarlamaanka ayaa loo sameeyay Kaarar cusub oo Aqoonsi ah, kuwaasoo ku eg inta ay joogaan xarunta Golaha Shacabka, waxaana lagu wargaliyay in kullanka inta uu socdo ay xirtaan Funaanado ay ku qoran tahay magaca Press iyo halka ay ka socdaan.
Guddoomiyaha Baaramaanka oo furay fadhiga ayaa sheegay inay sameeyeen Guddi ka kooban 5 xubnood ah oo u xilsaaran saxaafadda oo loo sameeyay aqoonsiyo si loo kala aqoonsado Shaqaalaha Baarlamaanka iyo Saxaafadda.
Wuxuu intaas ku daray Guddoomiyaha Golaha Shacabka in Golaha shacabka Maalinta Berri ah ay hor imaan doonaan saraakiisha ciidanka iyo laama amniga kulankaasi oo uu sheegay inaysan ka qeyb geli doonin saxaafadda.

