Dood adag iyo fal-celin weyn ayaa ka dhalatay hadal uu magaalada Muqdisho ka jeediyey Boqor Cusmaan Aw-Maxamud Buurmadow oo ka mida odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Degaanada Somaliland.
Hadalkan oo ku jiray khudbad uu ka jeediyey xaflad soo dhoweyn ahayd oo ay u sameysay Beesha Surre/Dir ayaa hadalladiisa waxaa ka mid ahaa: “Anigu xaqiiqada kama gambado, markii uu dhintay Axmed Godane -hoggaamiyihii Alshabaab- ayaa laga wada baqay, aniga ayaa u tacsiyadeeyay- wuxuuna ahaa nin tolka ah oo reerka ka dhintay… Mararka qaar ayay nagu beelaha kale tagu yiraahdaan: Qoladan Dir miyaanay Han lahayn oo madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare doonan karin..? Waxaan iraahdaa: Laba dowladood ayaa meesha ka dhisanoo, dowladda Shabaabka Dir baa madax ka ah, oo weliba laguma tartamo..”.
Hadalkan ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada, waxaana markii dambe arrin culus ka dhigay siyaasiyiin ay ka mid yihiin C/rashiid Xaashi, Axmed Macalin Fiqi, Yuusuf Garaad iyo xubno kale, wuxuuna kusii baahay dadka caadiga ah, iyadoo Boqorka oo Muqdisho soo dhoweyn maamuus leh loogu sameeyay uu hadda ku dhex jiro xaalad adag oo laga dalbanayo raaligelin.
Axmed Macalin Fiqi ayaa ka dalbaday Boqor Buur Madow inuu raaligelin ka bixiyo hadalka kasoo yeeray, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku yiri:. “Boqor Buurmadow haddii uu ka samafalay dadkii Laascaanood sida aan wanaagsanayn looga soo tarxiilay, waxaa looga fadhiyaa in uu magdhowgii dadkii kumanaanka ahaa ee Godane iyo xarakadiisu ay laayeen! Hadalka uu ka horsheegey dhibanayaashii Godane iyo xarakadiisa argagixisada ah ay ehelkoodii laayeen waxaa loo qaadan karaa ku digasho iyo in aysan boqorka u qiyaasnayn xajmiga kalimadaas ay leedahay iyo saamaynta xun ee ay ku reebeyso dadka ay dhibaataysay argagixisada iyo hogaamiyahooda uu naxariista u muujiyey. Boqorku hadalkaas waa inuu cudurdaar ka bixiyaa, iskumana qalanto sida loo maamuusay iyo boogaha uu damqiyey!”.
Yuusuf Garaad ayaa isna Boqor Buurmadow kula taliyay: “Waxaa (Boqor Buur Madow) la gudboon in uu raalli-gelin ka bixiyo erayadiisii oo anigu aan u arko in ay qadaf ku yihiin Dowladda Soomaaliya, dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada dadka faraha badan ee Shabaab dilay, kuwa uu naafeeyay iyo beel-weynta Soomaaliyeed ee sharafta badan ee uu magaceeda ku sidkay arga-gixisnimo”.
Boqor Buur Madow ayaa ka mida odayaasha muranka badan dhaliya, waxaana mar xiray madaxweynaha Somaliland, isagoo ka mida ayaa odayaal dhaqameed Afrikaan ah oo hoggaamiyihii hore ee Liibiya Guddoon u sameeyay.
