Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Fal-celin weyn oo ka dhalatay Qoraalkii Farmaajo ee hakinta Awoodaha Rooble (Akhriso Jawaabo kulul…)

    Fal-celin weyn oo ka dhalatay Qoraalkii Farmaajo ee hakinta Awoodaha Rooble (Akhriso Jawaabo kulul…)

    September 16, 2021Updated:September 17, 20214 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Fal-celin iyo jawaabo kala duwan oo diidmo u badan ayaa laga bixiyey wareegtadii uu maanta soo saaray Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, taasoo lagu sheegay in la hakiyey awoodaha Ra’iisal wasaaraha.

    Siyaasiyiin, Mushariixin iyo xubno isugu jira wasiiro iyo xildhibaanno ayaa ka hadlay awoodda uu Madaxweynaha u leeyahay inuu faragelin ku sameeyo xilka Ra’iisal wasaaraha, xilli uu isagu xilkii ka dhammaaday, waxaan soo qaadaneynaa qaar ka mida fal-celintii falkii Maxamed Farmaajo.


    Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye: “Markii aan arkay Wiiftada uu soo tuurey galabta Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Mudane Farmaajo, waxa aan soo xasuustay oraah aan maqli jirey hadda kahor uu ku Cataabay nin rajo beel ku dhacday oo yiri: “Waxba dhowran meynee rabbow dhagaxyo soo daadi!” Ninkaani laba mid buu ahaa mid xishood laawa ah oo wax walba oo dhaca aan kala jecleyn ama nin dagaal u diyaar garoobay oo wax walba ha dhaceene wax aan biloowno yiri!!!”

    Musharax C/raxman C/shakuur Warsame: “Farmaajo waxaan leenahay wiilasha ku leh dhar aan loo jeedin ayaan kuu xiraynaa,yaysan ku ceebaynin. Rooble waxaan leenahay waa la wada arkaa in ay odaygu marada ka dhacday, oo eryiddii Fahad ayaad dadka ku tustay in uu qaawan yahay ee intaas ugu sin”

    Wasiir hore Cabdi Faarax Juxa: “Madaxweyne Farmajo: “Aniga ama waxba”.Qalinka Farmajo khad sharciyadeed ma laha,Warkiisuna wuxuu keli ah ka dhigan yahay aan is-dillo.Xilligan cidda keli ah oo haysata heshiis siyaasadeed oo ay u dhan yihiin Dawlad-goboleedyada iyo mid sharci oo ah xilgaarsiin waa Xukuumadda RW Rooble. RW Rooble ayey xilliga kala guurka ah saaran tahay amaanada iyo kalsoonida Soomaaliduba. Awood-dhimis RW waa erey cusub oo Farmajo kusoo kordhiyey luuqadda siyaasadda Soomaalida.Dawlad-goboleedyada, shacabka Soomaalida iyo Beesha Caalamkuba waa inay is-garab taagaan RW Rooble si uu dalka doorasho u gaarsiiyo”.

    Wasiir hore, xildhibaan C/llaahi Goodax Barre: “Waxaan aad uga xumahay xaaladda cakiran iyo jahwareerka uu dalka geliyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday. Waa sharci darro wuxuu maanta sameeyay, mana jirto meel ay uga qoran tahay Dastuurka KMG inuu shaqada ka joojin karo Ra’isul Wasaaraha XFS.

    Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Thabit Cabdi Axmed: “Ninkii geedka tab looga dago garan waayay ee ka soo dhacay, baa laga hayaa “Dagashadaba ka Fudud.” Villa Somalia oo markii horeba qaaday waddo dhammaadkeedu cirif tahay, ayaa maanta cirifkii iska tuurtay, waana meesha uu damaca dhukan iyo ku tagrifal awood ku idlaado. Madaxweyne sharciyad ku jooga ayaanan laheyn awood dastuuri ah ee uu ku hakin karo ama xil uga qaadi karo Raisulwasaare, iskaba daayee isaga oo muddo xilleedkiisii dhammaaday”

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad: “Duqii Farmaajo ahaa wlhi waa wareeray. Hada wixii ka dambeeya gacanta inla haayo ayuu u baahanyahay si uusan xaafadiisa uga lumin!”

    Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho: “Tallaabada uu maanta qaaday Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, ay tahay sharci darro. Mana jirto meel ay Dastuurka KMG ah uga qoran tahay inuu Madaxweyne shaqada ka joojin karo Ra’iisal Wasaaraha Warqadda uu soo saaray Farmaajo waa  is-miidaamin siyaasadeed, falaad iyo foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda iyo abuurista jawi keena qalalaase amni“.

    Wasiir iyo Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye:  “Dastuurka KMG ah qodobadiisa waa cad yihiin xarfihiisa T J X KH D R yaan la isku marin habaabin. Haddaan mid kaliya ka soo qaato, madaxweynaha awoodiisa Dastuurka ugu qoran waa mid kaliya oo ah hebel hebel ama fulaan fulaan ayaan u magacaabay Ra’iisul Wasaare, laakiin qofka uu magacaabo kuma noqon karo Ra’iisul Wasaare magacaabista madaxweynaha kaliya oo taasi awoodiisa kama mid aha, waa laga diidi karaa qofkaas ama wuxuu heli karaa xasaanada Golaha Shacabka”.

    Cali Cabdullaahi Cosoble, madaxweynihii hore ee Hirshabeelle: “Madaxweyne M A Farmaajo waxaan kugula talinayaa inaad ka joogo khaladaadka aad sameyneyso. Waxaad ku socotaa waddadii Mad Cabdullahi Yusuf (au) ee sababtay in ay beesha caalamka soo farageliso arrimaha Soomaaliya, una aqoonsatay inuu caqabad ku yahay geeddi socodka nabadda (spoiler) ayadoo ka dalabtay inuu ka dego xilka (is casilo)”.

    Falcelin Farmaajo Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleYaa leh Dhulkii Lagu dagaalamay ee Degmada Hodon? (Wasaaradda Howlaha Guud oo War kasoo saartay)
    Next Article RW Rooble oo soo saaray Qoraal Sharci ahaan burburisay Wareegtadii Farmaajo (Akhriso)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo