Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya inuu fal dil ah ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Nin hubeysan ayaa la sheegay inuu dil ka gaystay Magaalada Jowhar, waxaana falkan uu ka dhacay dhacay xaafadda Horseed ee Magaalada Jowhar.
Ninka la dilay ayaa ahaa Timajare ka shaqeysta magaalada Jowhar, waxaana weerar ku qaaday nin hubeysan oo rasaas ku furay, isagoo goobta ku geeriyooday.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdalla Saalim Sayid, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkiisa, ninka dilka geystay iyo nin kale oo la socday ayaa la sheegay inay baxsaden.