Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in fal dil ah uu saaka ka dhacay magaalada.
Kooxo hubeysan yaa toogasho ku dilay wiil dhalinyaro, waxaana falkan uu ka dhacay isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho, waxaana goobta ka baxsaday laba nin oo dilka geystay.
Ninka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Xasan Maxamuud, wuxuuna ahaa nin caan ka ah degaankaasi oo Timo jare ahaa.
Lama oga sababta loo dilay ninkan oo ka mid ahaa dhalinyarada degaankaasi, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka.
Wadani