Falal dil ah oo hor leh ayay koox hubeysan maanta ka geysteen degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxaana lagu beegsaday laba qof oo mid ka mida ahaa Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo qof kale oo rayid ah.
Weerarka ayaa yimid kadib markii dabley bistoolado ku hubeyan ay agagaarka Suuqa weyn ee degmada Wadajir rasaas ku fureen Gaari ay wateen laba nin oo midkood sarkaal yaahy. kadibna ay goobta ka baxsadeen. Ciidamada ammaanka degmada ayaa tegay goobta dilku ka dhacay.
Dhinaca kale koox kale oo dabley ah ayaa weerar kale ku dishay laba askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya, oo watay gaari marayay agagaarka degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay fulisay weeraradaasi.
Waxaa magaalada Muqdisho ku sii kordhaya falalka dilalka ah ee lagu khaarijinayo dadka kala duwan, waxaan dhowaan Muqdisho lagu dilay Soomaali iyo Ajaaniib isugu jirta Turki iyo Azerbajan.
Wadani.com