Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»FALANQEYN: Warbixin ku saabsan Dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee kooxda Daacish ka wado Soomaaliya

    FALANQEYN: Warbixin ku saabsan Dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee kooxda Daacish ka wado Soomaaliya

    August 10, 20187 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Kooxda dawladda Islaamiga oo loo yaqaanno (IS) ama Daacish, ayaa si la dareemi karo bilihii la soo dhaafay u kordhinayey weerarrada ay ka gaystaan Soomaaliya, ka dib khasaarihii kooxda ka soo gaaray halka xuddunta u ahayd ee Suuriya iyo Ciraaq, dabayaaqada sannadkii hore.

    Sheegashadii ugu weynayd, ayey bishii Luulyo ku sheegteen inay dileen ama dhaawaceen 14 askari oo ka tirsan askarta Soomaaliya, weerar bambo oo ka dhacay Shabeelaha Hoose ee koofurta Soomaaliya.

    Xog la xiriirta weerarrada ay daacish ka gaysatay Soomaaliya, intii u dhaxaysay Janaayo – Luulyo 2018, ayaa muujinaysa arrimo xiiso leh oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ay kooxdu ka waddo dalka Soomaaliya.

    Weerarrada ay kooxdu sheegatay ee Soomaaliya badankood waxay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsaday sirdoonka Soomaalida iyo ciidanka amniga, ayadoo qaarkood si aan qarsoodi lahayn loo duubay oo ay u dheceen dharaar cad.

    Ayadoo kooxdu ay hore u sheegatay weerarro badan oo ka dhacay magaalada caasimadda ka xigta dhinaca koofur galbeed ee Afgooye, ayaa badi dadka ay dhawaanahan dileen waxaa la sheegay inay u badnaayeen agagaaraha Muqdisho.

    Kororka weerarrada

    .
    Xogta warbixintan ku xusan waxay ku salaysan tahay hadallo rasmi ah oo kooxda IS ay ka sii daysay maxaddadahooda ay ku leeyihiin barta telegram.

    Sida ay xogtu sheegayso, IS waxay sheegatay 39 weerar oo ka dhacay Soomaaliya, intii u dhaxaysay 1 Janaayo – 31 Luulyo.

    27 ka mid ah weerarrada waxay dheceen bilihii Maajo, Juunyo iyo Luulyo, waa sare u kac aad u weyn marka la barbar dhigo bilaha kale.

    Waxay kaloo ka duwan tahay sannadkii 2017, markaasoo IS ay sheegatay 21 weerar oo ka dhacay Soomaaliya sannadka oo dhan.

    IS waxay ku tilmaantay weerarradaas badidood “khaarajin” ama “khaarajin toogasho”. Waxaa iyagana jira qaar loo adeegsaday waxyaabaha qarxa.

    Marka la eego bartilaameedyada, kooxdu waxay inta badan weerartay askar ka tirsan booliska iyo milateriga soomaalida.

    Waxaa iyagana weerarrada lala beegsaday ciidanka sirdoonka iyo shaqaalaha dawladda.

    Inkastoo tiro ahaan ay sare u keceen dhaqdhaqaaqyada IS ee Soomaalida, ayaa haddana noocyada weerarradaas waxay yihiin kuwo heerkoodu hooseeyo oo muujinaya awoodda xaddidan ee kooxdu ku dhex leedahay dalka.

    Tani waxay gaar ahaan run noqonaysaa marka la barbar dhigo jihaad doonayaasha uu xafiiltanku kala dhaxeeyo ee Soomaaliya gudaheeda, waa kooxda Al Shabaab, kuwaasoo qaraxyo iyo weerarro waaweyn ku qaada bartilmaameedyada ciidanka iyo dawladda, iyo kuwa ciidamada Afrikaanka.

    Xaqiiqadii, joogitaanka Al Shabaab waa caqabad weyn oo ku hor gudban awoodda ay IS u leedahay inay horumariso hawlgalladeeda dalka gudihiisa.

    Aag beddelasho

    .
    Mintidiinta IS ee Soomaaliya waxay sameeyeen dhaqaaq weyn oo ay kaga soo ruqaansadeen waqooyiga bari ee dalka, ayagoo soo aaday dhinaca koofureed.

    39ka weerar ee ay sheegteen, 23 ka mid ah waxay ka gaysteen magaalada Muqdisho. Dhowr kuwaas ka mid ah waxaa laga gaystay gudaha ama agagaarka suuqa Bakaaraha oo ku yaalla bartamaha Muqdisho.

    Laba kaclaynta weerarrada IS ee Muqdisho waxay aad u soo shaac bexeen Maajo 2018.

    Isla wakhtiayadaas, Daacish waxay sheegatay 9 weerar oo ka dhacay Afgooye iyo 3 ka dhacay magaalada Boosaaso.

    Warbixinnadu waxay sheegayaan in arrinta yaabka leh ay tahay ka soo guuridda ay kooxda IS ka soo guurtay Puntland, oo ah halkii markii hore lagu ogaa, oo ay soo aadday koofurta.

    Dhaqaaqaas waxaa loo aanaynayaa inuu yahay istaraatijiyad looga gol-leeyahay in looga faa’iidaysto nabadgelyo la’aanta ka jirta koofurta Soomaaliya.

    Warbaahinta IS

    .

    Wararka ugu badan ee IS ay ka sii deysay Soomaaliya waxaa la sii daayey intii u dhaxaysay Janaayo – Luulyo 2018, waxaana sii deysay “wakaaladda wararka” ee iskeed isku caleemo saartay ee kooxda (AMAQ).

    Amaq warbixinnadeeda waxay leeyihiin naqshad iyo muuqaal iyo luqad ka duwan wararka IS ee ay sii daayaan xafiis goboleedyada iclaamka u qaabilsan kooxda.

    Wararka Amaq waxay u yara eg yihiin hanaanka ay warbaahinnadu wax u tabiyaan, mana laha astaamo muujinaya borobagaando IS, sida tixraac diimeed, amaan guul lagu sheeganayo, aflagaaddo loo gaysanayo kooxaha ka horjeeda, iyo magacyo la siinayo gobollada iskood ay magacyada ula baxeen.

    In badan oo ka mid ah warbixinnada Amaq ee Soomaaliya waxaa la socday weerarrada la sheegayo, ama fiidiyowyo muujinaya wixii meesha ka dhacay.

    Badi waxay muujinayeen wax u muuqda toogashooyin bartilmaameedyo, kuwaasoo badankood af-saar ah. Waxaa laga duubay meelo dadweyne isugu yimaadaan, ayadoo ay dharaar cad tahay.

    Sawir muujinaya dil la fulin rabo, Muqdisho Abriil 2018
    Sawir muujinaya dil la fulin rabo, Muqdisho Abriil 2018

    Video ay Amaq soo saartay 19 Luulyo ayaa muujinaya nin toogasho ku dilaya sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, xilli maalinnimo ah, isgoyska Siinaay, halkaasoo u muuqata inay tahay meel saxmad badan.

    Fiidiyow kale oo la duubay 29 Juun wuxuu muujinayaa in rag dharcad ah ay toogasho afsaar ah ku dilayaan laba nin, meel waddo ah, xilli maalin ah. Kooxdu waxay sheegtay inay dileen labo “shaqaale maaliyadeed” oo u shaqeeya xukuumadda Soomaaliya, suuq Muqdisho ku yaalla.

    Fiidiyow la sii daayey 7 Maajo ayaa isna muujinayey rag dharcad ah oo tooganaya qof la sheegay inuu ka mid yahay sirdoonka Soomaaliya, ayadoo qofkaas uu saarnaa gaari caasi ah. Mar kale, weerarkan wuxuu dhacay dharaar cad.

    Inta badan ragga weerarka qaaday gadaashooda ayaa filim laga duubayey ama meel cabaar u jirta.

    Marka laga soo tago fiidiyowyada Amaq, kuwaasoo badidood kooban, muuqaalladoodana ay yihiin kuwo sidii loo soo qaaday ah, IS waxay ilaa hadda soo saartay hal filim oo weyn oo borobogaando ah, kaasoo loogu tala galay Soomaaliya, bishii Disembar 2017.

    Fiidiyowgaas wuxuu kiciyey weerarro in lagu qaado bartilmaameedyo reer galbeed intii lagu guda jiray munaasabadda masiixiyiinta ee dhamaadka sannadka iyo dabaaldegga sannadka cusub.

    Haddaba ayadoo Amaq ay tahay halka rasmi ahaan looga sii daayo waxyaabaha ay IS baahiso, ayey haddana xaqiiqada ah in warbixinnadaas ay ka muuqdaan Amaq oo qura, halkii laga sii deyn lahaa xafiis goboleedyada iclaamka ee IS ay ku leedahay Soomaaliya waxay ka turjumaysaa qaabka weerarradaas ay u samaysan yihiin oo ah kuwo hooseeya.

    Warar ku xaddidan in Amaq ay tabiso oo kaliya, ayaa iyadana ah waddo kale oo muujinaysa in IS aysan lahayn Walaayad, ama gobol, iyadu ay xukunto oo ku yaalla Soomaaliya.

    Warbixinnada Amaq looma isticmaalo ereyga “Wilaaya”, halka wararka ka soo baxa gobollada loo isticmaalo.

    Joogitaanka IS ee Soomaaliya

    Muumin wuxuu borobagaando ka soo muuqday markii u dambaysay 2016
    Muumin wuxuu borobagaando ka soo muuqday markii u dambaysay 2016

    IS ama Daacish waxay ku dhawaaqday in ay koox ku leedahay Soomaaliya dabayaaqadii 2015.

    Xubnaha kooxdaas waxay badankood ka tirsanaan jireen kooxda ay xafiiltamaan ee Al Shabaab. Sidaasoo ay tahay IS weli sare uma aysan qaadin joogitaankeeda, oo ma aysan gaarsiin heer ay “Wilaayad” ama gobol yeeshaan, taasoo micnaheedu yahay laan- goboleed rasmi ah.

    Inkastoo kalmadda “Wilaaya” ay dhowr goor ka soo muuqatay warar ay warbaahinta IS qortay , ama kuwa ku xiran qolyaha sii baahiya wararka ay Internetka galiyaan, isticmaalka kalmaddan wuxuu u muuqdaa mid si kama’ ah u dhaca ee aan caadi ahayn.

    Tan iyo dabayaaqadii 2015, IS waxay u muuqatay inay ka taxadaraysay in kalmadda “Wilaaya” ay u adeegsato qolyaha gobollada ee ay gacan saarka leeyihiin, gaar ahaan xilli tiro badan oo ka mid ah wilaayaadkooda ku yaalla Sacuudiga iyo Aljeeriya ay guuldarrooyin soo wajaheen.

    Marka la eego xagga hogaanka, wadaadka uu fadhigiisu ahaa UK, Sheekh Cabdulqaadir Muumin, ayaa aad loo sheegaa in uu yahay madaxa kooxdaas mintidiinta ah ee Soomaaliya.

    Muumin iyo Dagaallameyaal kale ayaa Shabaab ka goostay Oktoobar 2015, waxayna ka soo muuqdeen fiidiyow, ayagoo ugu yaboohaya daacadnimadooda hogaamiyaha IS, Abuubakar Al-Baqdaadi, markaasoo ahayd markii ay IS ugu awoodda badnayd.

    Yaboohaas waxaa isla markiiba ku xigay olole xagga iclaamka ah oo IS ay ku bartilmaameedsanaysay dagaallamayaasha Shabaab inay soo goostaan.

    Raggii soo goostay waxay taliye ku xigeenka Muumin u doorteen Mahad Macallin.

    Muumin wuxuu dhinaca kale ku dadaalay inuu dagaallameyaal ka qorto Al Shabaab, uuna joogitaan adag ku yeesho gudaha dalka, ayadoo ay Al Shabaab uga awood badnayd gudaha.

    Waa si la mid ah arrinta IS ka qabsatay dalal ay Yemen ka mid tahay, halkaasoo kooxdu ay ku guuldarraysatay inay gudaha ugu faafto deegaannada kale ee dalka, joogitaanka Al Qaacida darteed.

    Maraykanku wuxuu rumaysan yahay in Daacishta Soomaaliya ay hubka ka hesho Yemen.

    Inkastoo IS dhaqdhaqaaqeeda Soomaaliya sannadkan ay kordhisay, haddana waxaa weli mugdi ku haya oo haraynaya kooxda uu xafiiltanku kala dhaxeeyo ee Al Shabaab.

    Warbixin lagu qoray wargayska todobaadlaha ee al-Naba, bishii Luulyo 2018, waxay kooxdu kaga warrantay sida taageerayaasha IS ee Soomaaliya ay u dileen ama u qabteen wax ay ugu yeereen “Yuhuuddii jihaadka Soomaaliya” oo ah kalmad ay Daacish u isticmaalaan Al Qaacida.

    Al Shabaab ayaa si aan gambasho lahayn ugu ugaarsatay mintidiinta IS gudaha dalka, ayagoo xataa dilay, ama xiray xubno ayaga ka tirsan oo sida la sheegay doonayey inay IS ku biiraan.

    Daacish Daacishta Soomaaliya ISIS Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Itoobiya oo magaalada Addis ugu yeertay Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Cabdi Iley
    Next Article Soddoga & Sodohda Madaxweynaha Mareykanka oo Dhalasho ku qaatay sharci uu diidan yahay Tump

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo