Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Falanqeynta Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Golaha Shacbiga 6-da Febrayo 2021 (Qormo)

    Falanqeynta Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo u jeediyay Golaha Shacbiga 6-da Febrayo 2021 (Qormo)

    February 7, 2021Updated:February 7, 20217 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email


    Gabogabada wanaagsan ee Khudbadda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo ka jeediyay Golaha Shacbiga ee BF, kaddib fashilka shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka (GWD) –

    Madaxweynaha DF iyo Madaxweynayaasha DG iyo Guddoomiyaha Gobolka Benadir – ee lagu qabtay caasimada Galmudug,Dhusamareb, loogana wada hadlayay xallinta khilaafaadka ka taagan hab maamulka hirgelinta heshiiska doorashada dadban ee 17kii Setember 2020 waxay aheyd in Madaxweyne Farmajo oo xilkiisa ku eg yahay 7 febrayo 2021 ku dhawaaqo is-casiladiisa, isla markaana la kala diro BF oo muddo xiledkiisa dhammaaday 27 Nofember 2020 si shacabka Soomaaliyeed uga tashado aayihiisa.

    Nasiib darro, Madaxweyne Farmajo wuxuu tibaaxay, ishaaray inuu si sharcidarro ah ku haysan xilka Madaxweynaha JFS muddo aan dhammad laheyn, kaddib marka muddo xileedkiisa dhammaado 7 Febraayo 2021.

    Xaqiiqada waxay tahay in xilhaynta sharcidarrada ah ee mas’uulinta Madaxtooyada iyo BF ay dhaawac u geysaneyso asaaska JFS oo ah dal ay tahay inuu sharcigu taliyo, sarreeyo. Adeegsiga cudurdaarka ah “Firaqo dastuuri ah” waa qalad iyo brobaganda la doonayo in lagu haysto si sharcidarro ah awoodda dowladnimo ayadoo lagu tumanayo dastuurka.

    Ma jiro qof haya xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka oo la mid ah xilka Xafiiska Madaxweynaha iyo Barlamaanka Federaalka, isla markaana ma jiro “firaq dastuuri ah” waayo hay’addu waa jirta dastuur ahaan. Maamulka Dowladda (Public Administration/bureaucracry) ayaa ah lugaha iyo motorka wada dowladnimada. Ku naganshaaha xilka hay’ad dastuuri ah sifo sharcidarro ah waa oggolanshaha ku tumashada dastuurka.

    Waxaa talo ah in Golaha Madaxweynayaasha DG iyo Mucaaradka saaxadda siyaasadda magaca ku leh xulaan, ku heshiiyaan shakhsi xul ah oo qabta xilka Madaxweynaha muddada doorashada xildhibannada BF iyo Madaxweyne cusub. Shakhsigaas kama qayb galayo doorashada Barlamaanka, tan Madaxweynaha, iyo xilka xukuumadda soo socota, isla markaana waxaa la xisaabtamaya saamileyda soo xushay oo shaqada ka joojin karta haddii uu ku xadgudbo dastuurka, sharciga doorashada, dhaqanka iyo xilkasnimada wanaggsan ee dowladnimo.

    Madaxweyne Farmajo wuxuu waqti, dadaal, iyo xoolo badan ku bixiyay in Madaxweynayaasha DG Xubnaha ka ah DF la saftaan, ka baqaan, ka amar qaataan, daacad u ahaadaan, uusan la shirin, la tashan, kalana hadlin arrimaha dowladeedka ku xusan dasturka kmg. Hase yeeshe hadafkaas waxaa caqabad weyn ku noqday Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

    May be an image of 1 person, sitting and suit

    Mucjisada qabsatay Madaxweyne Farmajo waxay tahay inay qasab ku noqotay inuu Madaxweynayaasha DG kala hadlo arrinta ku saabsan doorashada 2020/2021, lana abuuro Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ). Waxaa bisha Febraayo 2021 ka dhacay dhusamareb, caasimada Galmudug, shirkii 4 ee Madaxweyne Farmajo kula shirayo Madaxweynayaasha DG iyo Guddoomiyaha Gobolka Benadir.

    Si uu mar kasta uu wiiqo go’aannada ka soo baxa shirarka GWQ, Madaxweyne Farmajo wuxuu go’aansaday in go’ammada Shirarka GWQ loo gudbiyo Golaha Shacbiga oo asaga ka amar qaata. Kaddib markii khasab ku noqotay inuu qabto shirkii 4aad ee GWQ, Madaxweyne Farmajo wuxuu ballansaday shir labada Aqal ee BF dhammaadka shirkaas kaddib.

    Furitaanka kalfadhiga Golaha Shacbiga ee 6 Febraayo 2021 ka hor, Xildhibannada Golaha Shacbiga qaarkood ayaa diiday inay ka qayb galaan kalfadhiga haddii aan la fulin saddex (3) shardi:

    1. In warbaahinta loo oggolado joogitaanka kalfadhiga kaddib markii guddoonka golaha shacbiga isku dayay inuu mamnuuco, taaso aheyd sharcidarro;

    2. In Madaxweyne Farmajo ka hadlin, ama soo jeedin muddo kororsi;

    3. In Senatarrada ka socda Aqalka Sare taageran Madaxweyne Farmajo aysan ka qaybgelin kalfadhiga Golaha Shacbiga madaama qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka Sare lagu joojiyay ka soo qayb galka Sennatarrada. Guddoomiyaha ayaa sheegay inuusan Madaxweyne Farmajo ka helin codsi rasmi ah, haseyeeshe waxaa la og yahay in Madaxweyne Farmajo aqoonsaneyn Guddoomiyaha iyo Aqalka Sare.

    Khudbada waxay aheyd mid aad loola yaabay, loo saluugay, loo dhalliilay. Waxay daaha ka qaaday in rabitaanka Madaxweynaha ka sarreeyo dhawrista dastuurka, nidaamka dimoqradiga, iyo xuduudka sharciga.

    Waxaan hoosta ka xariiqaya in khudbadda aheyd mid daaha looga qaadayo “sii socoshada (continuation) xilhaynta Madaxweyne Farmajo muddo aan dhammaad laheyn.” Hal qabsiga Madaxweyne Farmajo wuxuu ahaa inkastoo muddo xileedka BF dhammaaday 27dii disember 2020, haddana BF wuxuu sii watay shaqadiisa oo sharciyo muhiim ah ayuu ansixiyay. Sidaa darted, asaguna wuxuu sii wadan doono xilkiisa si caadi ah muddo aan dhammaad laheyn.
    Waxaa kalo jira in qodobka 3 ee Guddoonkii BF (Resolution) ku ansixiyay heshiiskii siyaasadeed ee doorashada dadban ee taarikhdiisu aheyd 17ka Setember 2020, kaddibna madaxweynuhu saxiixay uu dhigayo:

    1. Si aysan u dhicin firaq ku yimaada sharciyada jiritaanka hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka, Barlamaanka 10aad oo awoodiisa dastuuriga ah u dhammeystiran tahay ayaa xilkiisa sii haynaya ilaa iyo maalinta la dhaariyo xildhibannada loo soo doortay Barlamaanka cusub ee 11aad ee Soomaaliya si waafaqsan qodobka 60aad ee dastuurka federalka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay sharciga Lr. 20 ee 27.06.2016.

    2. Hay’adaha kale ee Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka ayaa xilkooda sii haynaya ilaa iyo inta laga dhiso hay’ad walba hay’addii beddeli laheyd.

    Inkastoo uusan ku dhawaaqin cuskashada qoddobka kor ku xusan oo ka soo horjeeda qodobbada 60, 91, 96, 132 ee dastuurka kmg, Madaxweyne Farmajo wuxuu caddeeyay inaysan jiri doonin firaq hay’adaha dastuuriga, taaso macnaheedu yahay inuu sii haysan doono xilkiisa Madaxweyne 8 Febraayo 2021 kaddib.

    Haddii fikirkaas la aqbalo, waxaa dhacaysa in qof kasta ee muwaadin ah xaq u leeyahay inuu sheegto xilka Madaxweynaha JFS iyo xilka xildhibaan ee BF doorasho la’aan. Sharciyadda jiritaanka hay’adaha dastuuriga waxaa dhigaya dastuurka, waana jireysa dastuur ahaan, hase yeeshe waxaa loo baahan yahay sharciyadda doorashada sharciga ah si loo buuxiyo xilka hay’adahaas ama raacidda sharci tilmaamaya habka kasbashada xilka hay’adda. Sharciyadda jiritaanka hay’adda iyo sharciyadda buuxinta xilka hay’adda waa kala duwan yihiin. Askari lama qori karo haddii uusan jirin sharci iyo miisaniyad loogu tala galay.

    Khudbaddu waxay aheyd mid aan runta ka sheegin xaqiiqada dhacdooyinka iyo ismari-waagga la xiriira doorashada, isla markaana qarisay ficillada iyo xadgudubyada DF ku sameysay dhammaan DG iyo ku tumashada dastuurka kmg oo cid walba og tahay, taaso muujisay daacad-darrada Madaxweyne Farmajo.

    Madaxweyne Farmajo wuxuu weeraray Madaxweyne Sicid Deni ee Puntland iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ee Jubbaland, kuna eedeyay inay afduubeen shirarka GWD ee ku saabsan doorashada. Hadalkaas wuxuu bahdilay Madaxweynayaasha DG Galmudug, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Benadir oo si dadban ugu tilmaamay dhaanraacayaal, dhegeystayaal, ama maqano-joogayaal.

    Khudbadda waxay ifisay inaysan jirin qiimeyn wadared xaaladda siyaasadda, nabadgelyada, dowladnimada dalka, habraac sharci iyo maamul oo asaas u ahaa doodda iyo diyaarinta heshiiska siyaasadeed ee doorashada, heshiiskaasoo lagu tilmaamay mid uu iska soo qortay Madaxweyne Sicid Deni, xubnaha kale iska aqbaleen. Si kastaba, Madaxweyne Farmajo wuxuu bannaanka soo dhigay inuusan raalli ka aheyn heshiiska doorashada, taaso caddeyneysa inuu caqabad joogta ah ku yahay qabashada doorasho lagu kalsoonan karo.

    Madaxweyne Farmajo wuxuu weerayay, ka abaal dhacay, ku xadgudbay beesha caalamka oo DF la leedahay heshiis caalami ah, wuxuuna amray inaan la maqlin warkooda, asagoo sheegaya in Soomaaliya tahay dal xor ah, madaxbannaan, leh siyaado qaran. Madaxweynuhu wuxuu ka xanaaqsan yahay, diidan yahay baaqyada iyo warbixinnada isdaba joogga ah ee beesha caalamka ugu sheegeyso inuu ilaaliyo dastuurka iyo maslaxadda dadka iyo dalka Soomaaliyeed, kala hadlo saamileyda siyaasadda arrimaha masiiriga ah, kuwa khilaafaadka ka taagan yahay, iyo guud ahaan wada shaqeynta ee hay’daha dowladda federaalka.

    Waxaa isweydin mudan in Madaxweyne Farmajo qabo kalsooni, niyadsami, ixtiraam, iyo weji furnaan uu kula xaajon karo saamileyda siyaasadda dalka? Su’aasha kaloo taagan waxay tahay, Madaxweyne Farmajo ma wuxuu raacaya dastuurka kmg mise wuxuu raacaya talada iyo dhaqanka Madaxda nidaamka keligi talis ah ee dalalka deriska Soomaaliya?
    Madaxweyne Farmajo wuxuu bannaanka soo dhigay inuusan raalli ka aheyn heshiiska doorashada, taaso caddeyneysa inuu caqabad joogta ah ku yahay qabashada doorasho lagu kalsoonan karo.

    Waxaa isweydin mudan in Madaxweyne Farmajo qabo kalsooni, niyadsami, ixtiraam, iyo weji furnaan uu kula xaajon karo saamileyda siyaasadda dalka? Su’aasha kaloo taagan waxay tahay, Madaxweyne Farmajo ma wuxuu raacaya dastuurka kmg mise wuxuu raacaya talada iyo dhaqanka Madaxda nidaamka keligi talisyada ah ee dalalka deriska Soomaaliya?

    Dhammaadka Madaxnimada Madaxweyne Farmajo waa Badbaada Qaranka Soomaaliyeed.

    W/Q: Dr. Maxamud M Culusow

    Doorashada 2021 Dr. Ulusow Farmaajo Maxamuud Culusow Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamo taabacsan kooxdii Ahlu suna oo dib isu abaabulay, lana wareegay degmada Matabaan
    Next Article “Mudane Madaxweyne Caawa Saqda Dhexe ka hor la xiriir madaxa ku sugan Dhuusamareb, kuna dhawaaq..”

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo