Koox Dabley ah ayaa magaalada Addis ababa ee caasimadda Itoobiya ku dishay Fannaanka caanka ah ee kasoo keeda Qowmiyada Oromada Haacaaluu Hundeessaa.
Dilkan oo xalay ka dhacay magaalada Addis ababa ayaa si weyn u gilgilay dadka Itoobiya, waxaana uu shaaciyey Taliyaha ciidamada Booliska Addis Ababa Getu Argaw in koox hubeysan ay fannaanka ku toogteen degaanka Galan Condominium, kadibna uu ku geeriyooday Ibsitaalka Tirunesh Beijing General Hospital.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa tacsi u diray qoyska Fannaanka, wuxuuna caddeeyay in baaritaan lagu sameyn doono oo sharciga la hor keeni doono dadkii ka dambeeyay dilkiisa.
Magaalada Addis ababa ayaa dhowaanahan waxaa ku soo badanaya falalka dhaca iyo dilka ah, iyadoo ay dilaaceen kooxo burcad ah, lamana oga in dilka fannaanka uu yahay mid siyaasadeed.