Fannaanada caanka ahayd ee Soomaaliyeed Sahra Axmed Jaamac ayaa saaka ku geeriyootay magaalada Hargeysa.
Fanaannada Sahra Axmed Jaamac ayaa maalmihii ku xanuunsaneysay Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa halkaas, Geerida Sahra waxaa xaqiijiyay Dhaqaatiirta gacanta ku hayay ee ka howlgala Isbitaalka ay ku xanuunsaneysay.
Sahra waxaa ay ka mid ahayd Fanaaniinta Gabadhaha ah ee ugu caansan Fanka Soomaaliyeed, waxaana geerideeda ka tacsiyadeeyay ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo madax kale.