Waxaa magaaalada Muqdisho goor dhoweyd ku ku geeriyoota Allaha u Naxariistee fannaanadii caanka ahayd Saynab Xaaji Cali (Baxsan).
Seynab ayaa ka mid ahayd fannaaniinta ugu Caansan Dhulka Soomaalida, waxayn qeyb weyn ku lahayd fanka, iyadoo Bilad Geesinimo ku qaadatay guubaabinta ciidamada xoogga dalka iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalkii ugu horeeyay ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhex mara 1964.
Waxay muddooyinkii danbe ku xanuunsaneyd magaalada Muqdisho oo ay maanta ku geeriyootay.
Waxa tacsi u diray madax kala duwan oo uu ka mid yahay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseem Rooble oo ka hadlay kaalintii ay marxuuumadda ku ahayd fanka iyo taariikhdii halgankeeda.
