Ciidamoada Booliska Soomaaliland ayaa baadi goobaya Fanaanka Nimcaan C/raxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac) oo si qarsoodi ah ku tegay magaalada Boorame.
Ciidamada ayaa weerar ay habeen hore ku qaadeen Guriga Qoyska Nimcaan Hilaac, waxayna xabsiga u taxaabeen aabihiis iyo laba qof oo qoyskiisa ka mida, kadib markii ay waayeen fannaanka ay raadinayeen.
Xogta ay ciidamada Somaliland heleen ayaa ahayd inuu fanaankaan oo dhinaca xuduudka Jabuuti kasoo galay Somaliland, kuna sugnaa guriga Qoyskiisa ee magaaada Boorame, waxaana hadda laga baadi goobayaa dhammaan gobolka Awdal.
Dadweynaha reer Boorame ayaa qaarkood ka hor yimid arrinta lagula kacay qoyska Fannaanka Nimcaan Hillaac, waxayna dhigeen bannaanbax, iyadoo aan weli ka hadlin arrintan maamulka Somaliland.