Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Faragelin Imaaraadku ku sameeyay Mareykanka oo la kashifay [UAE oo u ololeysay in xilka laga qaado Xoghayaha Dibadda Mareykanka]

    Faragelin Imaaraadku ku sameeyay Mareykanka oo la kashifay [UAE oo u ololeysay in xilka laga qaado Xoghayaha Dibadda Mareykanka]

    March 7, 20182 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Warbaahinta caalamiga ah ayaa kashiftay emailo qarsoodi ah oo lasoo dusiyay, kuwaas oo muujinaya isku day dowladda Imaaraatka Carabta ay ku doonaysay in ay ku faragaliso arrimaha Maraykanka.

    Sida ay heshay BBC-da Waxaa ka mid ah email muujinaya in Imaaraatka ay Trump ka doonayeen in uu shaqada ka eryo wasiirka arrimaha dibedda Rex Tillerson, kaas oo ay u arkeen in uu u dabacsanyahay dowladda Qatar oo ay iyaga is hayaan.

    Ninka Trump maalgaliya ee lagu magacaabo Elliot Broidy ayaa la kulmay madaxweyne Trump, kalana hadlay in uu Tillerson xilka ka diro. Ninkani ayaa dalka Imaaraatka ka heysta qandaraasyo malaayiin doolar ku kacaya oo ganacsi ah.

    Broidy ayaa emailada la heley ku eedeeyey in ay ka jabsatay dowladda Qatar sida uu sheegay afhayeen u hadlay. Balse dowladda Qatar ayaa beenisay eedeyntaas.

    Sida emailada la heley ku cad, Broidy waxa uu u ololeeyay in Maraykanka uu si buuxda u taageero Imaaraatka iyo Qatar, isaga oo xitaa Trump balan uga qabtay in uu la kulmo dhaxal sugaha Imaaraatka Maxamed Bin Sayid Al Nahyaan, balantaas oo uu Trump ogolaaday.

    Tillerson ayaa horey u dhaleeceeyay go’doominta dowladaha carbeed ay saareen dalka Qatar. Wasiirka ayaa sanadkii hore la kulmay cadaadis badan, iyada oo ay xitaa soo baxeen warar sheegaya in shaqada laga eryayo, taas oo ku qasabtay wasaaradda in ay shir jaraa’id qabato, islamarkaasna beeniso arrinkaas.

    Waxa uu Broidy emailada u diray nin lagu magacaabo George Nader oo ah ganacsade asal ahaan kasoo jeeda dalka Lubnaan, balse Ameerikaan ah, kaas oo muddo aad u dheer u kala dab-qaadi jiray Maraykanka iyo dowladaha Bariga Dhexe.

    Sida ay sheegayaan illo ku dhowdhow baaritaanka Robert Mueller ee fadeexada farogalinta Ruushka, Nader ayaa su’aalo laga weeydiiyay waxa uu ka ogyahay arrimaha Ruushka.

    Horey waxaa u jiray in sir shaac ah ay tahay in safiirka Imaaraatka ee Washington Yuusuf Al-Cuteyba iyo wiilka uu Trump sodoga u yahay ay yihiin saaxiibo isu dhow.

    Imaaraadka UAE US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDowladda Mareykanka oo Cabsi weyn ka qabta in Shiinuhu la wareego Dekada Jabuuti kadib DP World [Warbixin]
    Next Article Qeybtii labaad Tahriibayaal laga soo celiyay Dalka Liibiya oo maanta kasoo degay Magaalada Muqdisho [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo