Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ay caawa argagixisadu cadowga ku ah nolosha iyo jiritaanka ummadda ay ku dishay magaalada Beledweyne. Qoyskeeda, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa geeridaa tiiraanyada badan leh” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Farmaajo oo ay faafisay madaxtooyada Somaaliya.
Farmaajo ayaa Marxuumadda iyo muwaadiniinta kale, Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg u rajeeyey muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.
Siyaasiyiin iyo dad badan oo ka naxay geerida Xildhibaan Aamina ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku eedeeyay inay ku lug leedahay qorshaha loo maleegay in lagu khaarijiyo.
