Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa Dastuuriga ah uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee inuusan Khasnadda Dowladda ka bixin karin Lacagta Imaaraadka Carabta laga hayo.
Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Waxaa mamnuuc ah in go’aan uu hal masuul gaaray lagu bixiyo lacagtaas iyada oo aan la marsiin hannaan waafaqsan shuruucda dalka. Haddaba, waxaan ku farayaa Guddoomiye inaan lacagtaas laga bixinin qasnadda Bankiga Dhexe”
Waxaa xusid mudan in qoraalka uu soo saaray Farmaajo la ogeysiiyay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda oo isla Farmaajo uu shaqada ka joojiyay 27-kii Disembar 2021, iskuna dayay inuu awood xilka uga qaado.
Arrintan ayaa jawaab u ah go’aankii Ra’iisul Wasaare Rooble maanta soo saaray oo Imaaraadka uu raaligelin ku siiyay, isla markaan aamray in loo celinayo lacagtooda (AKHRISO).
HOOS KA AKHRISO QORAALKA FARMAAJO
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
Madaxtooyada Xafiiska Madaxweynaha
JFS/XM/ALJ1/01/22
07 Jannaayo 2022
Ku: Guddoomiyaha Bankiga Dhexe OG: Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC)
OG: Xeer llaaliyaha Guud ee Qaranka
OG: Guddoomiye ku Xigeenka Bankiga Dhexe
OG: Wasiirka Maaliyadda XFS
OG: Ra’iisul Wasaaraha XFS
Ujeeddo: Amar Ku Saabsan Lacagtii Laga Qabtay Garoonka Aadan Cabdulle
Mudane Guddoomiye,
Sidaad la socoto, taariikhdu markii ay ahayd 8dii Abril 2018, waxay hay’adaha amniga ku qabteen Garoonka Aadan Cabdulle lacag dhan 9.6 milyan US Doollar oo ay sheegeen hay’adaha amniga in sifo aan sharci ahayn dalka lagu soo geliyay, tan iyo xilligaasna uu Bankiga Dhexe hayo lacagtaas.
Maadaama ay lacagtaasi dalka kusoo gashay hab aan waafaqsanayn hannaanka maaliyadeed ee dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee isu gudbinta lacagaha taasoo taabanaysa amniga qaranka iyo xasilloonida dhaqaale ee dalka, waxaa mamnuuc ah in go’aan uu hal masuul gaaray lagu bixiyo lacagtaas iyada oo aan la marsiin hannaan waafaqsan shuruucda dalka.
Haddaba, waxaan ku farayaa Guddoomiye inaan lacagtaas laga bixinin qasnadda Bankiga Dhexe.
Fulin wacan.
Madaxweynaha J. F.S
Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”
