Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa caawa wadajir u gaaray Nairobi, iyagoo hal diyaarad ku wada socdaalay.
Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya, iyadoo aanu garoonka uga hortegin Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadahadallo berri u bilaaban doonaan saddexda hoggaamiye ee Somalia, Kenya iyo Itoobiya.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa waanwaan ka dhex wada dalalka Somalia iyo Kenya oo xiisad diblomaasiyadeed soo dhex gashay, isagoo huwan guddoomiyaha ururka Goboleedka IGAD oo labada dal ay ku wada jiraan.
SAWIRRO






