Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Farmaajo iyo Taageerayaashiisa oo difaacay Sheekh Shariif iyo Jawaab ka timid kooxda Xasan Sheekh

    Farmaajo iyo Taageerayaashiisa oo difaacay Sheekh Shariif iyo Jawaab ka timid kooxda Xasan Sheekh

    February 20, 2024Updated:February 20, 20243 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida hareeyay isbedel yaab leh oo ku saabsan isku milanka aragtida siyaasadeed ee taageerayaasha Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Taageerayaasha Farmaajo ee Baraha bulshada ayaa bilaabay shalay inay u doodaan Sheekh Shariif, kadib markii Telefishanka Dowladda laga baahin waayey hadal-jeedintiisii uu sida weyn ugu dhaliilay wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee ay wado dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Dhammaan xubnaha taageersan Farmaajo ayaa si isku mida u weerarray SNTV, waxayna si aan hore loo arag u garab istaageen Sheekh Shariif, waxayna dagaalka uga horeeyeen Sheekh Shariif iyo xisbigiisa.

    Mar dambe ayuu Sheekh Shariif qoraal kooban soo saaray, kuna sheegay inuusan ogeyn sababta hadalkiisa looga sii deyn waayey TV-ga Dowladda, isagoo yiri: “Ma aqaan sababta keeni karta tallaabadan is hortaagga ah . Laakin tani waxay billow u tahay waxa soo socda iyo duullaanka lagu yahay aragtida Xildhibaanka iyo tan siyaasiga”.

    Kooxda Farmaajo uma kala harin difaaca Sheekh Shariif, waxaana xubnaha ka hadlay arrintan ak mida Xildhibaan C/llaahi Aadan Kulane “Jiis’ oo ahaa gacan-yarihii Farmaajo ayaa qoraalkiisa yiri: “Tillaabada lagaga hor-istaagay inay tabiso warbaahinta Qaranku hadal-jeedintii Baarlamaanka ee Madaxwaynihii hore Sharif Sheikh Ahmed, waa mid na tuseysa burburinta Hey’adaha Qaranka, u xuubsiibasho Kaligii Talisnimo iyo cabburin xorriyadda hadalka iyo fikirka. Waa ayaan darro wayn in Dastuurkiina uu Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud kaligiis badalayo, Afkaarta kasoo horjeedana uusan u adkeysan karin!”

    Waxaa dagaalka Baraha Bulshada kusoo biiray Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isna qoraal ku garab istaagay Sheekh Shariif, si cadna u sheegay inaan la aqbali karin hab dhaqanka SNTV, waxaana markaas kadib bilowday fal-celinta taageerayaasha Madaxweyne Xasan Sheekh.

    Taageerayasha kooxda Xasan Sheekh wuxuu dagaalkooda baraha bulshada u badnaa dhinaca Farmaajo oo ay ku eedeeyeen inuu xilligan u doodayo baahin feker, halka uu isagu hore isugu dayey inuu khaarijiyo Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

    Jawaabta ugu culus ee kooxda Xasan Sheekh, waxay ka timid Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Bashiir Macallin Cali oo soo qoray:

    “Wax cod ah ma lihid, mana jirto qof aad codkaaga ku biirin karto ama aad wax usoo kordhin karto. Waxba Kama gashid howlaha socda ee wax kabadalka Dastuurka, Baarlamaankana waa midkii adiga kuu diiday codkiisa ee Madaxweyne u doortay Hassan Sheikh Mohamud. Lacag yar oo aad soo siiso midkoo maskiin ah Kadibna aad uso dirto inuu meelaha ka qeyliyo, taas nolol kuuma noqoto ee Kaalay imaaw Baarlamaanka dhaxdiisa haddii aad wax tari karto, Annaga Makarafoon hanoogusoo dhiibin ninkii aad shalay ku khaarijin rabtay Hotel Maida oo waliba Alle ka sokoow uu kaa badbaadiyay AUN Cali Jubba”.

    Dagaalka Baraha Bulshada ayaa gaaray heerkii ugu xumaa, iyadoo dhacdo kasta looga faa’iideysanayo in lagu weerarro, lagu aflagaadeeyo ama ay ku xafiiltamaan taageerayaasha xag-jirka ah ee siyaasiyiinta iyo madaxdii hore.

    Isbaheysiga mucaaradnimo ee cusub ayaa si rasmi ah u bilowday markii ay war-saxaafafeed wadajir ah soo saareen Sheekh Shariif iyo Farmaajo, kaasoo ku saabsanaa waanwaan ay ka dhex wadeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, iyagooXasan Sheekh ku eedeeyay fashilka Gogoshii Garowe.

    CBB Dastuurka Farmaajo Sheekh Shariif Taageerayaasha Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTelefishanka Dowladda oo War kasoo saaray sababtii loo baahin waayey khudbadii Sheekh Shariif
    Next Article Xasan Sheekh oo Khudbad jeedin dedega ka dalbaday Baarlamaanka iyo Qodob culus oo..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo