Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Farmaajo & Kheyre oo oo shaqaaleystay 650 qof oo Dacaayad & Xayeysiis u sameynaya! {Warbixin}

    Farmaajo & Kheyre oo oo shaqaaleystay 650 qof oo Dacaayad & Xayeysiis u sameynaya! {Warbixin}

    September 2, 20174 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xukuumadda Soomaaliya iyo hay’ado raacsan laanta fulinta ayaa la soo baxay hab cusub oo ay u la dhaqmayaan warbaahinta, waxa ay xoogga saarayaan Warbaahinta bulshada sida Facebook, iyo xarumaha warbaahinta sida Raadiyahaiyo Telefeshinka.
    Shaqaale gaaraya 650; qof ayay xukuumadda iyo laamaha maamul ee raacsan sida gobolka Banaadir u shaaleeyeen baraha bulshada, shaqaalahaasi waxa ay kala joogaan dibadda iyo gudaha dalka.

    Tusaale ahaan, xafiiska Raisalwasaaraha ayaa waxa uu shaqaaleystay sida ay muujisay warbixin kooban oo aan helnay 200; oo qof oo shaqaale ah, kuwaas oo aan soo xaadiri doonin xafiiska raisalwasaaraha balse iyaga oo jooga goobahooda shaqada ama guryahooda qabanaya shaqada difaaca xukuumadda iyo weerarka dadka ku baahiyaha baraha bulshada qoraalada dhalliilaha wata eek u saabsan dhaqanka iyo falka xukuumadda ee arrimaha siyaasadda iyo maamulka.

    Sidaas oo kale xogta aan helnay waxa ay sheegeysaa in madaxtooyadu ayaa qoratay 300; oo qof oo kala jooga dibadda iyo gudaha Soomaaliya, kuwa jooga gudaha dalku waxa ay u badan yihiin gobolka Banaadir.

    Gobolka Banaadir ayaa kamid ah hay’adaha sameystay Shaqaalaha Warbaahita ee dowladda, waxa ay muujineysaa xogta aan helnay in 150; oo qof uu gobolka u qaatay shaqaale ahaan si ay uga shaqeeyaan difaaca iyo dacaayad u sameynta madaxda iyo howsha gobolka.

    Nuuca Shaqaalahan.

    Dhammaan shaqaalahani waxa ay isugu jiraan dhalliyaro iyo dadwaaweyn, waana dadka sida aadka ah u adeegsada warbaahinta Bulshada (Social media), sida Facebook &Twitter, islamarkaana saaxiibo badan ku leh ama ay ugu jiraan Face book.

    Qoridda iyo xulashada shaqaalahan waxa qayb iyo gacan weyn ku leh u qaybsanayaasha warbaahinta ee hay’adaha qaatay shaqaalaha, waxa ay isku dayeen in ay shaqaaleeyaan inta badan dadkii ololaha madaxweyne ee doorashada uga qaybqaatay Warbaahinta iyo Baraha Bulshada.

    Shaqada ay qabanayaan

    Shaqadoodu ma aha mid qeexan, balse waxa loo sheegay in ay warbaahinta iyo Baraha Bulshada ka difaacaan dhammaan ficilada iyo go’aanada dowladda nuucii ay doonaanba ha ahaadeene, balse marka si kooban loo sheego waxa kamid ah:

    In ay weerar ku qaadan dadka dowladda dhalliila iyaga oo adeegsanaya baraha bulshada sida facebook iyo Twitter
    In ay u jawaabaan xarumaha warbaahinta ee daabaca ama baahiya xog lagu dhalliilayo ama laguu sheegayo gef ay dowladdu gashay ama ka dhacay
    In ay ammaanaan dowladda si walba oo ay tahay
    In ay Buunbuuniyaan booqshooyinka madaxda ee meelaha dadweynuhu ku kulmaan.
    In ay baahiyaan saiwirro iyo qoraallo ay u soo dirayaan waaxyaha warfaafinta ee xafiisyada dowladda ee sameystay shaqaalahan

    Mushaarka

    Shaqaalaha jooga gudaha oo aynaan helin tiradooda dhabta ah waxa ay mushaar ahaan u qaadanayaan bil walba $300.00, halka kuwa dibadda jooga uu mushaarkoodu u dhexeeyo $1000-1500.00, oo dollar.

    Shaqaalaha qaarkood ayaa ka baxaya ama kaba tegaya shaqadii loo diray ee ahayd in ay ka shaqeeyaan Facebook si ay u difaacaan xarumahan, sababtu waa in lacagtii mushaarka loogu sheegay ayaan u soo gaarin sidii loola heshiiyey, iyada oo qaarkood loo sheegay in lacagta laga yareynayo maaddaama ay shaqadan qaban karaan iyaga oo aan soo xaadirin xafiis ama jooga guryahooda iyo goobahooda shaqada.

    Xarumaha Raadiyaha iyo telefeshinka

    Suxufiyiinta ka shaqeeya xarumaha Raadiyaha iyo telefeshinka ee magaalada Muqdisho ayay xafiisyada Madaxtooyadaa, Raisalwasaaraha iyo gobolka Banaadir; waxa ay si qarsoodi ah uga qorteen shaqaale kamid noqonaya kuwa ay rabaan in ay dacaayad iyo buunbuunin run iyo beenba u sameeyaan, islamarkaana weeraraan dhammaan dadka dhalliilaya ama soo jeedinaya aragti ka dhan ah go’aanada xarumahaas.

    Xarumaha Raadiyaha qaarkood ayaa aqbalay shakaalidda iyo ku lugyeelashada xafiisyadan ee waxyaabaha ay baahinayaan (Media Censorship) iyaga oo taas beddelkeeda qaadanaya dhaqaale aanaan helin inta uu la eg yahay, taas oo ka dhigan in aanay baahineyn wax dhalliil ah oo ka dhan ah go’aan ama dhaqan ka yimid dhinaca xafiisyadaas islamarkaana aanay u ogaaleyn dhegeystayaashooda iyo dadka kalaba in ay dhalliilaan xafiisyadaas.

    Waa maxay sababtu?

    Howlwadeenka Madaxtooyada, Xafiiska Raisalwasaaraha iyo gobolka Banaadir; ayaa cabsi weyn ka qaba in warbaahinta noocyadeeda kala duwan oo kaalin weyn ka qaadatay ololihii iyo dhismihii xukuumadda, ay haddana ku lugyeelato mucaaradka iyo dhalliisha go’aanada xukuumadda, taas oo lagayaabo in ay hoos u dhigto kalsoonida ay shacabku ku qabaan

    xukuumadda iyo Madaxtooyada.

    Ficilada ay illaa hadda ku kacday xukuumadda Soomaaliya oo shaqeyneysa 6; bilood ee falcelinta ka dhalatay ay sababtay hoos u dhaca kalsoonida dadweynaha ee xukuumadda waxaa kamid ah:

    Weeraradii ay ku dhinteen 17; qof oo ka dhacay Juubada Hoose iyo Shabeelaha hoose; kuwaas oo xukuumaddu kuu sheegtay in lagu dilay xubno kamid ah Al-shabaab; balse dhammaantood ay noqdeen shacab beeraley iyo xoolo dhaqato, inkasta oo markii dambe ay xukuumaddu garowsatay.

    Go’aankii U dhiibidda dowladda Itoobiya muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse; oo ka tirsanaa Jabhadda xoreynta gobolka Ogaadeeniya, kaas oo illaa hadda aanay xukuumadda Soomaaliya uga hadlin si rasmi ah.

    Isha: Mustaqbal Radio

    C/kariin Qalbi dhagax Farmaajo Kheyre Madaxtooyada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleNabaddoon caan ah oo maanta toogasho lagu dilay Magaalada Afgooye
    Next Article WARBIXIN: Weerarkii ugu Cuslaa ee Baraha bulshada oo ku socda Madaxweynaha & Ra’iisal Wasaaraha [Akhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo