Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Farmaajo & N&N waxay Alshabab ka raaceen xagjirnimada, keligood Waddani iska dhigeen (Qormo Culus)

    Farmaajo & N&N waxay Alshabab ka raaceen xagjirnimada, keligood Waddani iska dhigeen (Qormo Culus)

    January 9, 2022Updated:January 9, 20224 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Khatarta Soomaaliya haysata waa ka qoto-dheer tahay Farmaajo & mucaaradka; kuwaas khaladkoodu waa ifafaale/ symptoms /أعراض المرض/ tusaya in xanuun jiro. Musiibada na haysataa waa weecad bulsho oo baahsan الانحراف على مستوى المجتمع Societal-wide deviation.

    Qallooca ku jira bulshada waa mirihii ka dhashay qaran-jabka 30-ka sano jirsadey; waxaana weecadka muujinaya dhaqamada bulshada ku baahay ee dhowrka jiho ka socda, sida: xag-jirnimada diimeed & tan siyaasadeed, bannaysiga dhiigga, beenta sharci ku tumashada iwm.

    Hirkii 1-aad (first wave) ee qalloocu galay, bulshadana gelisey waaa kooxda Al Shabaab ee galloocu (الانحراف) uu ka galay dhanka diinta yacni, xag-jiriin noqday oo ku hawl-galay (dil, gaalaysiin & cabsi gelin) — dadkii Soomaaliyeedna ugu yaraan 90% ku khasbay aamus.

    Xag-jirnimada ay la yimaadeen Al Shabaab sida is-qarxinta iyo daadinta dhiigga muslimiinta Soomaaliyeed WAXAA KA khatar & SAAMAYN BALLAARAN khasab-ku-hoggaansiga (bullying & taming) bulshadii Soomaaliyeed ee ku suntanaa geesinimada iyo keena-diidnimada;

    Saamayn kale oo aan ka khatar yarayn cabsi gelinta — is-dhiibidda keentay — ee ay Al Shabaab keeneen ayaa iyana ah: in meel khalad ah caro lala aado, sida caruurta ay kuwo kale iskuulka ku garaacaan (la bully gareeyo) ayan kuwii diley isaga dhicin ee ay kuwo kale u tumaan.

    Hirkii 2aad ee qallooca (kuwaan iyagaa is-geliyey qallooca) kursi jacayl awgiis — waa Farmaajo & N&N oo Al shabaab ka raacay xagjirnimada; Sida kuwa kale ay dadka isaga xjiyaan diinta ay kuwani bilaabeen in ay keligood waddani iska dhigaan, dadka kalana takfiiriyaan!

    MURTAD baad tahay-dii ay Al Shabaab oran jireen waxay N&N ku baddaleen waa QARAN-DUMIS treasonous) / waa JAAJUUS! Erayadaas la iskama oran ee waa kuwo lagu xalaalaysto dhiigga (a classical tool of othering, demonizing & dehumanizing others to kill. Nazis & Hutus did it);

    Markaad si xeel-dheer ugu dhabbo-gashid sida Soomaali badan [oo dal & dibadba jooga, qabiil kasta leh, culumo & caama leh], ay raalli uga yihiin, ayna ugu ol-olaynayaan sharci-jebin & xadgudib kasta oo Farmaajo & kooxdiisa ay sameeyaan, sidii taageerayaasha Trump oo kele!

    Markii aad u fiirsato sida dadka Farmaajo taageersan dalka ha joogaaan ama dibadda ha ku noolaadeene aysan u doonayn maamul ku salaysan dimuqraadiyad, sarraynta sharciga & isla-xisaabtan & CADDAALAD ayna uga go’an tahay in dalka uu Farmaajo ka taliyo jidkuu rabo ha u maree!

    Markii aad aragto sida taageerayaasha Farmaajo aysan dan uga lahayn waxa dastuurka ku qoran, ama waxa uu u oggol-yahay madaxda iyo waxa uu ka reebayo, iyo sida ay raalli uga yihiin in Farmaajo uu dastuurka baal maro sida in uu ku darsado intii uu waqti doono sanad, 2 ama 3!

    Markaad fahamtid sida IN BADAN oo N&N ah ay ra’yiga uga hormarinayaan runta & sida Af-xumada, been-abuurka, sariig-la’aanta, collaysiga ay uga midaysan yihiin midkooda quraanka xafidsan, kan lawyerka ah, siyaasiga & wiilka yar, waxaad arkaysaa in qalloocu meelo badan galay;

    Dadka qalloocu galay & inta cabsi gelin ama aragti-gaabni ku raacay, diktatooriyadda ayay ka door-bidayaan dimuqraadiyadda runta & ra’yiguna waa isugu mid! Soomaali waxaa ku batay dad badan oo aan wejihi karin cidda dhibka ku haysa oo u-sacab tumaya kan u daran;

    Af-duubkii ay Al Shabaab bulshada Soomaaliyeed ku haysey 10-kii sano oo la soo dhaafay, intii uu dhali lahaa iska-caabin, waxa uu dhalay koox kale oo carraysan (N&N) balse collaysanaysa kuwii qaranimada Somaaliyeed 20kii sano ee la soo dhaafay u dhabar-adaygeyey!

    Sidaas darteed Soomaali waxaa haysta weecad bulsho oo baahsan, xalkuna waa in khatarta sida ay u taallo loo fahmo, lagana shaqeeyo sidii kuwa qalloocu galay ay uga soo noqon lahaayeen xag-jirnimada diimeed & midda siyaasadeed; kuwa fiyowna ay u taxadari lahaayeen

    Inta qallooca ka badbaaddey waa in ay ogaadaan in Soomaaliya ay sugeyso dad aragti dheer leh oo weecadka/ qallooca arki kara kuwa ambaday-na gacanta soo qaban kara.

    W/Q: C/rashiid Khaliif Xaashi
    Madixii hore ee Hay’adda Heritage

    Alshabab Farmaajo N&N Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Alshabaab oo Dilal Qorsheysan ka fulisay magaalada Muqdisho
    Next Article Barta Twitter-ka Xukuumadda Somaliya ee Covid19 oo ka digay halista taageerayaasha Farmaajo (CBB)

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo