Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Galabtadib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku tegay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Farmaajo oo ka mida ahaa dad lagu casuunay ka qeyb galka Furitaanka Koobka Kubbadda Cagta ee dalalka Carabta ayaa magaalad Doha kula kulmay Amiirka dalkaasi TYamim Bin Hamad Al-Al-thani.
Dood ayaa dhalatay Diyaaradii Qatare Airways ee Farmaajo keentay magaalada Muadisho, kadib markii uu xildhibaan C/raxmaan Maxamed Odowaa Baraha bulshada ku baahiyey muuqaalka diyaaradda Qatar Airways ee siday, isagoo kaliya soo raaciyey: “Galabta iyo Muqdisho. Qatar Airways”
Farriintaas waxaa si weyn uga carooday oo jawaab yaab leh ka bixiyey Cali Yare oo ah la-taliyaha Farmaajo, kuna magacaaban xilka Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir, waxaana qoraalka jawaabta ah ka mid ahaa: “Haddii uu deggaankaagu yahay guryihii dhulkii magaca danta guud looga qaaday marastii daganeyd ee magaca qaranka looga sii xoogay way kuu sahlantahay inaad Sawir ka qaado diyaaradda Qatar Airways ee Muqdisho maalin-dhaafka u timaada.Haddii ay siyaasaddii iyo xikmaddii ku soo aruurtay Madaxweyne Farmaajo ayaa diyaarad hebel saaran iyadana waa tusaale aan fiican in qof qiimo lahaa/leh Odawaa oo kale laga qaato.”
Dowladda Qatar ayaa gacansaar la leh Farmaajo, iyadoo dhaqaa;e ahaan ka caawisay 2017 inuu Madaxweyne noqdo, waxaana la sheegay inuu weli heysto taageeradeeda.
