Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhaqaaqay tallaabo lama filaan ah, markii xil cusub u magacaabay Agaasimaha NISA oo uu sheegay inuu is casilay.
Wareegto Saqdii dhexe kasoo baxday Madaxtooyada ayaa lagu soo saaray is-casilaadda Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin, isgoo u magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, iyadoo si KMG ah xilkaasi uu Farmaajo ugu dhiibay taliyihii NISA ee G/Banaadir.
Wuxuu kaloo Farmaajo magacaabay xilalka Agaasimaha Madaxtooyada oo La-taliyihiisii hore ee Amniga loo dhiibay iyo kulan la sheegay in la isugu yeeran Golaha Amniga Qaranka.
Hoos ka akhrieo wareegtada Farmaajo:
1. Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda.
2. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.
3. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.
4. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
Arrintan ayaa loo arkaa inuu Farmaajo ku difaacayo Fahad Yaasiin oo uu xilka ka qaaday Ra’iisal wasaare Rooble, ayna ka taallo dacwad ku saabsan Kiiska Ikraan Tahliil.
