Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladda dalka, kadib khudbad saqdii dhexe kadib uu ka jeediyey Warbaahinta Dowladda.
Wuxuu sheegay inay diyaar u ahaayeen Doorasho inay dalka ka dhacdo, waqtigeeduna ku dhacdo, balse ay diideen dad gaara iyo dowlado shisheeye si ay dalka uga ridaan qalalaase, dagaal iyo burbur, ayna diyaar u ahaayeen Heshiiskii 17 September iyo is-fahamkii Baydhaba.
Maxamed Farmaajo uu khudbadiisa ku sheegay inuu soo dhoweynayo baaqyadii ay soo saareen Ra’iisal wasaaraha, madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle ee ahaa in doorasho dadban la aado, kuna baaqayo in la joojiyo wax kasta oo keeni kara qalalaase iyo kala qeybinta ciidamada.
“Marnaba dhici meyso in shacabka Soomaaliyeed loo horseedo burbur iyo qax hor leh… Waxaan ugu baaqayaa dhinacyada abaabulaya xasilooni darrada ay ka mid yihiin siyaasiyiin hore dalka xil uga soo qabtay, haddana raba xilal inay qabtaan inay joojiyaan. Maalmahan waxaa loo qeybsamay badbaadiyeyaal yo barakaciyeyaal, waxaan dooranay inaan noqono badbaadiyeyaal”. ayuu yiri Farmaajo oo weerar afka ah ku qaaday Musharixiinta madaxweynaha.
Farmaajo ayaa sheegay inuu dalka ka hortagaan hagardaamo kasta oo lagu beegsamayo bedqabkeena, iyadoo shisheeye badan uu sheegay inay Maal iyo Muruq ku bixinayaan sidii loo burburin lahaa dalkan.
“Shacabka waxay kala ogaadeen cidda dooneysa inaan doorasho dhicin.. waxay marag ka yihiin dadka xilka ku raadinaya dhiiga dhallinyradda Soomaaliyeed.. Maadaama aan ahay ilaaliyaha dastuurka, ayna waaji tahay inaan isku dheeli tiro sharciyadii la ansixyey, waxaan hortegi doonaa Baarlamaanka maalinta Sabtida, si dalka dib loogu soo celiyo hanaankii Doorashada ee ay ku heshiiyeen dowladda iyo maamul Goboleedyada”. ayuu yiri Maxamed Farmaajo.
Wadadda kaliya ee furan ayuu sheegay inay thaay adahadalka, isu tanaasulka iyo in lagu soo laabto miiska wadahadalka, iyadoo la dhammeystirayo howlihii Guddiga Farsamada ee Baydhaba, wuxuuna ugu baaqay saxiixayaasha heshiiskii Doorashada inay degdeg isugu yimadaaan, iyadoo aan wax shuruud ah lagu xirin.
