Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Farmaajo oo la wareegay Kiiskii Ikraan Tahliil, Guddi cusubna u magacaabay (Wareegto lama filaan ah)

    Farmaajo oo la wareegay Kiiskii Ikraan Tahliil, Guddi cusubna u magacaabay (Wareegto lama filaan ah)

    September 13, 2021Updated:September 13, 20212 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto uu caawa soo saaray ku magacabaay Guddi cusub oo soo baara Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

    Wareegtada Farmaajo ayaa lagu sheegay in Kiiska Sarkaalad Ikraan Tahlil uu yahay mid xasaasi ah, una baahan baaritaan hufan, sidaas darteedna uu magacaabay Guddi uu hoggaaminayo Xeer ilaaliyaha Qaranka, xeer ilaaliyaha Maxkamadda cidiamada iyo xubno ay soo magacaabayaan talisyada Booliska, Milateriga iyo Nabadsugidda.

    Tallaabadan ayaa loo arkaa inuu Farmaajo kula wareegayo kiiska Ikraan oo lagu tuhunsan yahay madaxda Hay’adda NISA, isla markaana meesha uga saarayo Guddi uu hore u magacaabay Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada.

    HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA FARMAAJO

    MADAXWEYNAHA J.F.S., Markuu Arkay: Qodobka 87aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xusaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya yahay Astaanta Midnimada Qaranka iyo llaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka.

    Marka uu Arkay: Qodobka 90(b) Dastuurka ee xusaya in Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.

    Marka uu Arkay: Qodobka 126(6) ee Dastuurka ee xusaya in hay’adaha amniga qaranka oo ah kuwa hubka sita ay kormeeraan oo koontaroolayaan hay’adaha rayidka ah.

    Marka uu Garwaaqsadey: in kiiska Sarkaalad Ikraan Tahlil uu yahay mid xasaasi ah oo u baahan baaritaan hufan.

    Markuu Tixgaliyey: In ay lagama maarmaan tahay in kiiskan cadaalad laga gaaro lana helo baaritaan rasmi ah. Waxa uu xeeriyay:

    Qodobka 1aad

    Waxaa la magacaabay guddi qaran oo kiiskan baara kana kooban:

    1. Xeer llaaliyaha Guud ee Qaranka Guddoomiye
    2. Xeer llaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Guddoomiye-ku-xigeen
    3. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Xubin
    4. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Xubin
    5 Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Hey’adda Nabad -Sugidda & Sirdoonka Qaranka Xubin

    Qodobka 2aad

    Guddigan waxaa la farayaa in hawshooda si xilkasnimo ah u gutaan, warbixinta baaristana u gudbiyaan hay’adaha sharciyadda u leh.

    Qodabka 3aad

    Waxa uu Xeerkan Dhaqangelayaa isla maalinta la JFS saxiixo waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ee J.F.S.

    Farmaajo Kiiska Ikraan Tahliil NISA
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Hirshabeelle oo xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidamada Daraawiishta iyo magacaabis
    Next Article Hooyo Qaali Guhaad oo jawaab kulul u dirtay Farmaajo, una digtay C/raxman Dheere iyo C/shakur Cali Mire

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo