Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale qarxiyey dagaal siyaasadeedka kala dhaxeeya Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo ku jira maalmihii ugu danbeeyay ee Villa Somalia.
Xeer uu magaca ‘Madaxweyne’ kusoo saaray Farmaajo ayuu sheegya inuu ku baabi’iyay magacaabis iyo shaqa joojin lagu sameeyay agaasimayaal ka tirsan hay’adaha dowladda, waxaana faafin kasoo baxday Villa Soomaaliya lagu sheegay in wixii tilaaba ah ee laga qaaday wixii ka dambeeyay 14kii Abriil ay waxba kama jiraan yihiin.
Mas’uuliyiinta la isku heysto ee Xukuumadda Rooble iyo Wasiiradiisa ay magacaabeen, kana hor yimid Farmaajo waxay kala yihiin:
1- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
2- Ku-simaha Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka,
3- Maareeyaha Hay’adda Tayo Dhawrka Qaranka
Farmaajo ayaa laba dalbaday inuu joojiyo magacaabista iyo kala bedelka mas’uuliyiinta dowladda markii ay dhammaatay muddo xileedkiisa sharciga ahaa Febraayo 2021, balse waa diiday isagoo muddo sanad ka badan waday magacaabista safiiro, wasiiro, taliyeyaal, saraakiil iyo dhammaan xilalka muhiimka ah ee dowladda.
Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo gaaray heer uu Farmaajo isku dayo inuu xilka ka joojiyo Ra’iisal wasaare xilli kala guur ah ayaa sii socda ilaa maalmaha ugu danbeeya ee uu ku sugan yahay Villa Somalią, taasoo dalka gelisay xaaladdii ugu liidatay maamul ahaan iyo amni intii uu xilka hayey Farmaajo.
