Madaxweynaha muddo xileedkiiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa baaq cusub soo saaray, isagoo shir ugu baaqay madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Bannaadir.
Baaqan ayaa soo baxay saacado kadib War-saxaafadeed uu soo saaray xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Anthony Blinken oo madaxda Soomaaliya u sheegay inay si degdeg u dhammeystiraan heshiiska Doorashada, ayna qabtaan Doorasho aan dib u dhac lahayn.
Qoraal xalay saqdii dhexe kadib kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 22-ka Maarso 2021 ku baaqay shir lagu dhammeystirayo dadaalladii iyo wadaxaajoodyadii arrimaha doorashooyinka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.”
Shirkan ayey Madaxtooyadu sheegtay inuu labo maalmood socon doono, loogana gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii Sebteembar 2020.
Farmaajo ayaa baaqiisa cusub noqonayaa kii afraad ee uu ugu yero Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo laba ka mida ay diideen inay u aqoonsadaan Madaxweynaha, markii uu xilka ka dhammaaday 8-da Febraayo 2021.
4-tii Maarso ayey ahayd markii uu Farmaajo ku baaqay munaasabad hal maalin ah oo lagu dhammeystirayo heshiiska Doorashada, kadib talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021, waxaana qabsoomi waayey dhammaan shirarkii uu ku baaqay Farmaajo wixii ka danbeeyay markii uu dhammaaday muddo xileedkiisa.
Dalka ayaa hadda u kala qeybsamay laba Garab oo ka mid ka mida uu hoggaaminayo Farmaajo, halka Garabka kale ay dhisteen Madasha Badbaado Qaran oo ay ku midoobeen maamul Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Siyaaasiyiinta waqooyi ee Cabdi Xaashi hoggaamiyo iyo Midowga Musharixiinta.
