Madaxweynaha federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la xaqiijiyay inuu safarkiisii ugu horeeyay u socdaali doono dal aan ka mid ahayn dowlaha deriska la ah Soomaaliya.
Farmaajo ayaa wararku sheegayaan inuu socdaalkiisa ugu horeeya ku aadayo Boqortooyada Sacuudiga, waxaana lagu sheegay inuu yahay cumreysi iyo duco sida ay sheegayaan wararka laga helay madaxtooyada.
Xogta socdaalka ayaa sheegeysa inuu qabanqaabiyay safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle oo Muqdisho u joogay xiriirinta madaxweynaha cusub iyo Boqorka Sacuudiga ayaa sheegeysa inay ka mid yihiin kulamo uu la qaadanayo saraakiisha Sacuudiga iyo boqorka oo taageero u balanqaaday dowladda cusub.
Sacuudiga oo si weyn u daneynaya arrimaha Soomaaliya ayaa xiriir degdeg la soo sameeyay madaxweyne Farmaajo, waxaana Boqorka Sacuudiga khadka telefoonka kula soo xiriiriyay madaxweynaha.
Socdaalka Farmaajo ee Sacuudiga ayaa ka duwan madaxdii hore oo socdaalka ugu horeeya ku tegi jiray dalalka deriska ah oo saameyn xoog leh ku lahaa siyaasadda Soomaaliya.
Wadani.com