Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, July 2
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Farmaajo oo sharci-darro ka dhigay Dhulka Danta guud ee la bixiyey intii uu xilka hayey (Waraagto cusub)

    Farmaajo oo sharci-darro ka dhigay Dhulka Danta guud ee la bixiyey intii uu xilka hayey (Waraagto cusub)

    October 27, 2021Updated:October 28, 20213 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee muddo xileedkiisu dhamamaday ayaa soo saaray wareegto cusub oo sharci darro ka dhigeysa dhammaan dhulalkii Danta guud ee la bixiyey intii uu xilka hayey.

    Hoos ka Akhriso wareegtada

    MADAXWEYNE FARMAAJO OO XEER KA SOO SAARAY KU TAKRI-FALKA IYO MUSUQMAASUQA DHULALKA DANTA GUUD EE XILLIYADA DOORASHADA.

    Madaxweyne Farmaajo oo Xeer kasoo saaray ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada Doorashada.Muqdisho, Oktoobar 27, 2021;

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego;

    Madaxweynaha oo tixraacaya dikreetada uu soo saaray 18-kii Jan, 2018-kii ee la xiriirtay ilaalinta dhulka dan-guud;

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta dukumiinti sharci darro ah.

    Hay’adaha sharciga ee ay khuseyso ayaa bilaabay baaritaan shakhsiyaadka ku lugta leh;Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Danta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qodobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku tahay Dowladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo;

    Madaxweynaha oo xaqiijinaya in Dhulka Danta Guud uu ka mid yahay dhaxalka ay wadajirka u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, aysanna jirin cid gaar ah oo xaq u leh in ay la wareegaan, iibsadaan ama kireystaan si hareer marsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka;

    Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan;

    1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.

    2. Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    3. Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed.

    4. Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018. Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab.

    5. Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud.

    Dhulka Danta Guud Farmaajo Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticlePuntland oo jawaab ka bixisay taageero la sheegay inay siisay Kooxda Ahlu Suna
    Next Article Axmed Fiqi: “Farmaajo wuxuu dib noogu daaray Riwaayadii ‘Dal baan ka tegayaa ee dad kama tegayo'”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo