Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Farmaajo oo si weyn leh u difaacay Wakiilkii Midowga Afrika ee uu Dalka ka eryay RW Rooble

    Farmaajo oo si weyn leh u difaacay Wakiilkii Midowga Afrika ee uu Dalka ka eryay RW Rooble

    April 7, 2022Updated:April 7, 20222 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Farmaajo oo Qoraal dheer soo saaray ayaa sheegay inaan loo dhammeyn go’aanka lagu eryay Francisco Madeira

    Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay saqdii dhexe kadib soo saaray qoraal uu ku difaacayo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira oo uu dalka ka eryay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

    Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo danjireyaasha kale uu warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isaguna uu tallaabo ka qaadi karo.

    “Ma jiro ogolaansho uu bixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo tallaabo looga qaadayo Danjire Madeira, mana jirto warbixin ay soo gudbisay Wasaaradda Arimaha Dibadda oo tilmaamaysa inuu ku kacay ficillo ka hor imaanaya madaxbannaanida dalka. Sidaas darteed, Madaxweynaha Jamhuuriyaddu wuxuu farayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay gudato waajibaadkeeda shaqo, ayna gaarsiiso Midowga Afrika in go’aanka la sheegay uu yahay mid aysan u dhammayn Dowladda Federaalka, kana soo baxay xafiis aanan lahayn awood uu kaligiis ku gaaro go’aan culeyskaas leh” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

    Qoraalka Farmaajo oo dheeraa wuxuu salka ku hayey qiil si weyn loogu difaacayo Danjiraha Midowga Afrika oo cod laga duubay u muuqday nin ku dhex milmay xaaladda Soomaaliya, markii uu muddo dheer joogay, lana saftay kooxda Farmaajo.

    “Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ka digayaa tallaabooyinka aan ka fiirsiga lahayn ee carqaladayn kara amniga doorashooyinka iyo habsami u socodka hannaanka lagu dhammeystirayo, lagana fogaado wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara, waana xilliga aan ugu baahi badannahay inaan ilaashanno xasilloonida, iskaashiga iyo wadashaqeynta dhexdeenna ah iyo tan aan la leennahay saaxiibada caalamka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Farmaajo.

    Farmaajo wuxuu ku booriyey Madasha Wadatashiga Qaran inay diiradda saarto sidii loo soo gabagabeyn lahaa doorashooyinka, si wadar-ogol ahna lagu dhammeeyo arrimaha taagan ee xalka u baahan si dalku uu hore ugu sii socdo.

    Arrintan ayaa timid saacado kooban kadib markii qoraal kasoo baxay Ra’iisal wasaare Rooble loogu aqoonsaday wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ‘Qof aan laga rabin dalka’ laguna amray inuu 48 saacadood uga baxo dalka.

    Francisco Madeira Midowga Afrika Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXukuumadda Somalia oo Wakiilka Midowga Afrika ka dalbatay inuu 48 Saac dalka uga baxo
    Next Article Wasiir Jaamac oo Jawaab kulul u diray Guddoomiyihii Baarlamaanka 10-aad Max’ed Mursal

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo