Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareysi siiyey Wargeyska Buffalo News ee kasoo baxa magaaladii uu ku noolaa ee Gobolka New York, dalka Mareykanka, isagoo ku difaacay muddo kororsiga uu 2 sano ku darsaday xilka.
Wargeyska ayaa sheegay inuu wareysiyo taxane ah yeeshay farmaako ku adkeystay labada sano ee loogu daray, isagoo ku tilmaamay “isbeddel ku yimid qaabka doorashada. “Waxaan dadka gaarsiineynaa Geeddi-socod dimoqraadi ah oo dhab ah, oo dadku ay si xor ah u codeyn karaan oo ay u dooran karaan hoggaamiyeyaashooda,” ayuu yiri isagoo taleefanka lagu wareystay.
“Waxaan halkaan ku soo gaarnay markii muddadeenii ay dhammaatay, billo ka hor, sababta oo ah waddanku ma awoodi karo faaruq siyaasadeed iyo awood bannaan” ayuu yiri Maxamed Farmaajo, oo sheegtay in tallaabada uu sameeyay baarlamaanka inay u oggolaatay inuu sii joogo si looga fogaado farqiga hoggaamineed.
Farmaajo oo la weydiiyay inta ay qaadan doonto sii joogitaanka xafiiska ayaa ku jawaabay: “Markaa illaa inta ay doorasho dhacayso – illaa ay doorasho dhacdo – xafiiska ayaan sii joogi doonnaa maxaa yeelay kama tagi karno, Yaa dalkan hogaamin kara, haddaan baxo..? Sababtoo ah waxaad u baahan tahay dowlad sharci ah oo xilka la wareegaysa, sharci ahaan, iyadoo loo marayo doorasho. ”
Maxamed Farmaajo ayaa difaacan muddo kororsiga, una yeelay magac kale, isagoo yiri: “Tani maahan muddo kordhin.. Tani waa isbeddel ku yimid qaabkii doorashada; waxay u baahan doontaa waqti in la sameeyo doorashadan. Dabcan, Doorashada dadban maahan doorasho, waa nidaam xulitaan oo hoggaamiyeyaasha qabaa’illada ayaa ah kuwa xulaya xubnaha Baarlamaanka, kuwaas oo iyaguna doorta madaxa fulinta”.
Wuxuu ku dooday in Doorashda uu diyaarinayo ay tahay mid hal qof, hal cod oo siineysa muwaadin kasta xaquuqda codbixinta, rajana ka qabo in wadamada reer galbeedka – Mareykanka iyo Midowga Yurub ay taageeri doonaan.
Markii la weydiiyay inuu ballan qaadayo inuu si nabad ah ku wareejiyo haddii qof kale loo doorto xilak madaxweynaha, Farmaajo wuxuu yiri: “Haa.., Xaqiiqdii, gabi ahaanba, shaki la’aan.”
