Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Farmaajo, Puntland, Jubbaland iyo Musharixiinta Mucaaradka oo ku midoobay Tacsida Senator Yusuf Xaaji

    Farmaajo, Puntland, Jubbaland iyo Musharixiinta Mucaaradka oo ku midoobay Tacsida Senator Yusuf Xaaji

    February 15, 2021Updated:February 15, 20213 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxda mucaaradka ayaa ku midoobay tacsida loo dirayo qoyska iyo eheladda uu ka geeriyooday Senator Maxamed Yuusuf Xaaji.

    Musharixiinta Mucaaradka, Qaar ka mida madaxda Maamul Goboleedyada iyo siyaasiyiin badan ayaa tacsida u diray dadka Kenya iyo Soomaalida Kenya, kadib geerida wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa oday ka mida siyaasiyiinta waaweyn ee Soomaalida Kenya.

    Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa farriintiisa tacsiga ku yiri: “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska iyo ehelada Alle ha unaxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan oo muhiim ah kusoo matalay Soomalida Kenya. Waxaan Alle uga baryayaa in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiiyo. Aamiin.”

    Musharax Xasan Cali Kheyre ayaa isna farriin uu tacsi ahaan u diray ku bilaabay: “axaan ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Senator Maxamed Yusuf Xaaji oo ahaa oday Soomaaliyeed iyo siyaasi caan ka ah Geeska Afrika. Marxuumku waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Governor iyo Senator. Allaha u naxariistee wuxuu ahaa mid kamid ah tiirarka iyo taariikhda Isirka Soomaaliyeed”

    Madaxweynaha Puntland ayaa farriinta tacsida Maxamed Yusuf Xaaji ku yiri: “Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida la wadaagayaa Soomaalida ku nool dalka Kenya, Dowladda iyo Shacabka, ehelkiisii iyo asxaabtiisii , wuxuuna Marxuumka Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo Aamiin. Senator Maxamed Yuusuf Xaaji, Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee Kenya. AHUN Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa ahaa odey Soomaaliyeed oo waxbadan ugu fadhiyay Soomaalida ku nool iyo kuwa ka ganacsada dalka Kenya, oo uu aad ugala soo shaqeeyay arrimahooda gaarka ah iyo marxaladdaha soo wajaha noockasta ay yihiin”

    Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa tacsidan diray: “Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Waqooyi Bari Kenya, anigoo kaga tacsiyeynaya geerida Marxuum Senator Maxamed Yuusf Xaaji oo ku geeeiyoodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskii iyo Qaraabadii uu ka geeriyoodey marxuumka, waxaan leeyahay Allaha u naxariisto samir iyo iimaanna Allaha naga siiyo”.

    Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriintiisa tacsida ku yiri: “Waxaan murugada la qeybsanayaa qoyska iyo ehelada uu ka baxay marxuum senator Maxamed Yusuf Xaaji. Waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan naga siiyo. إنا لله وإنا إليه راجعون”

    Madaxtooyada Jubbaland ee Axmed Maxamed Islaam ayaa farriintan tacsida ah dirtay: “Jubaland waxaa ay guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelkiisii uga tacsiyaynaysaa Allah ha u Naxariistee Sen: Maxamed Yuusuf Xaaji oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi.”. Axmed Madoobe ayaa algu wadaa inuu ka qeyb galo aaska marxuumka

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo tacsida uu diray u qorneyd sida soo socota: “Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaanna ehelkii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Senator Maxamed Yusuf Xaaji.Senator-ka Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa shaqsi kaalin weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed gaar ahaana soomaalida reer Kenya.Waxaan Eebbe uga baryeyaa jannadii Firdowso inuu waraabiyo, samir iyo iimaanna naga siiyo.”

    Axmed Madoobe Farmaajo Siciid C/llaahi Deni Tacsi Yusuf Haji
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare: “Farmaajo wuxuu mar kale ku tuntay Dastuurkii dalka, isagoo og…”
    Next Article Guddiga Farsamada ee Khilaafka Doorashada oo shir uga furmay Baydhaba iyo kaalinta Beesha Caalamka

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo