Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Farriin ku socota Mucaaraadka kasoo horjeeda Xukun boobka Maxamed Cabdullahi Farmajo (Qormo)

    Farriin ku socota Mucaaraadka kasoo horjeeda Xukun boobka Maxamed Cabdullahi Farmajo (Qormo)

    April 20, 2021Updated:April 20, 20215 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Commentary on Presidential Decree Legalizing 2016 Election
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Shacabka Soomaaliyeed waxay muddo 4 sano ah ku hoos noolaayeen, una adkeysteen, xadgudubyada, takrifalka, tacadiyada, bahdilka ka baxsan sharciga iyo bani’aadannimada ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo caanka ku noqday.

    Dhaqan siyaasadeedka gebidhackeynaya oo aan xikmadda iyo maslaxadda guud ee Soomaaliya ku saleysneyn ee Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu curyaamiyay danihii muhiimka ahaa ee shacabka Soomaaliyeed ee ay ugu horreeyeen dhammeystirka dastuurka kmg, dhammeystirka dhismaha maamulka dowladda federaalka iyo kan dowlad goboleedyada, dhismaha Ciidammada Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboledyada, xoreynta iyo isku xirka dalka, iyo qabashada doorasho hal qof iyo hal cod (HQHC) oo dimoqradi ah.

    Waa taariikh xumo inaysan jirin dhaqan siyaasadeed xaaraan ka ah ama aan ka suuragelin Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna caan ku noqday hadal iyo ficil is khilaafsan, ballan fur, indhasarcaad, iyo eex. Waxaa la maraya marxalad kacdoon shabci oo ka soo horjeeda muddo kororsiga sharcidarrada ee barlamaanka federaalka iyo Madaxweyne Farmaajo sheeganayaan iyo ku takrifalka Ciidammada iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed hab ka baxsan dastuurka iyo sharciga.

    Mucaaradka oo ah xoogag kala duwan oo leh aragtiyo kala duwan waxaa laga rabaa inay yeeshaan ujeedooyin cad iyo tubta lagu gaarayo oo xaaladda murugsan ee halista ah looga bixi karo.

    1. Ujeedada koowaad waxay noqon kartaa in Maxamed Cabdullaahi farmajo iska casilo ama lagu qasbo inuu is casilo si kacdoonka shacabka iyo qalalaasaha siyaasadeed loo damiyo.

    2. Ujeedada labaad waa ka wadatashiga dhexmaraya xulka DF, DG, xulka mucaaradka, xulka bulshada ra’yidka oo kaashanaya beesha caalamka si loo tifaftiro habka fulinta heshiiska doorashada dadban ee 17 Setember 2020. Habraaca fulinta doorashada dadban waa inuu xaqiijiyaa kalsoonida shacbiga ku qabanayo natiijada doorashada xag daahfurnaan, tartan xalaal ah, kalsoonida garsoorka khilaafaadka, iyo doorasho dalka oo dhan isku mid ah.

    3. Ujeedada saddexaad waa ilaalinta nabadgelyada iyo xorriyada muwaadiniinta soomaaliyeed.

    4. Ujeedada afaraad waa xaqiijinta habsami u socodka hawl fulinta Xukuumadda xilgaarsiinta ah.

    5. Ujeedada shanaad waxay tahay adkeynta la dagaalanka argagixisada heer kasta. Haddii Farmajo ka soo qaybgalayo wada hadallada ku saabsan habka fulinta heshiiska doorashada dadban waa in la tixgeliyo qodobbada soo socda:

    1. In Golaha Shacbiga ee BF baabi’iyo sharci ku sheega muddo kororsiga 2 sano, isla markaana farmajo saxiixo maalin cad oo beesha caalamka goobjoog ka tahay.

    2. In farmajo qoro qoraal uu ku caddeynayo in mudda xileedka barlamaanka federaalka dhammaaday 27 Disember 2020 sida waafaqsan qodobka 60 ee dastuurka kmg.

    3. In farmajo qoro qoraal uu ku caddeynayo in muddo xileedkiisa dhammaaday 7 febraayo 2021 sida uu dhigayo qodobka 91 ee dastuurka kmg.

    4. In farmajo soo saaro amar lagu kala dirayo Xildhibannada Barlamaanka Federaalka sida waafaqsan qodobka 67 ee dastuurka kmg.

    5. In Farmaajo qoro qoraal caddeynaya in Xukuumadda RW Roble ay tahay xilgaarsiin sida ku qoran qodobka 103 ee dastuurka kmg. Xukuumadda waxaa ka reeban inay fuliso hawl ka baxsan waajibaadka caadiga ah. Waa hawl maalmeedka dowladda oo sharciga oggol yahay.

    6. In farmajo soo saaro qoraal caddeynaya in xilka iyo awoodaha Madaxweynaha ku qoran qodobka 90 ee dastuurka kmg ay dhaqangal yihiin muddo xileedka Madaxweynaha keli ah sida ku qoran qodobka 91 ee dastuurka kmg. Muddada kala guurka ee doorashada qodobkaas dhaqangal ma ahaan.

    7. In farmajo qoro qoraal shaqada looga joojinayo taliyayaasha Ciidammada Xoogga dalka, Booliska, Nabadsugidda, iyo Asluubta muddada kala guurka doorashada 2021.

    8. In farmajo magaacabo guddi Sare ee soo baara xadgudubyada lagu eedeynayo dowladda federaalka ee dhacay 4 sano ee la soo dhaafay.

    9. In farmajo caddeeyo inuusan aheyn musharrax Madaxweyne sababtoo ah heerka dhibaatada dhacday ee uu mas’uulka ka yahay darted lama helayo xasillooni siyaasadeed iyo nabadgelyo haddii uu ku guuleysto.

    10. In farmajo qoro qoraal xilka iyo darajabada loogu celinayo Jeneraal Saadaq Cumar Xassan ( Saadaq Joon) oo ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Benadir. Arrintaas waxay xal u tahay daminta kacdoonka shacbiga Gobolka Benadir ka socda iyo dhirrigelinta difaaca dastuurka kmg oo Taliyaha ku dhirraday.

    11. In farmajo cudurdaar siiyo dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo uu ku eedeyay dambi aan raad laheyn ah lagu dhaawacay u hoggaansanaanta hannaanka wada shaqeynta dowlad federaalka iyo dowlad goboleedyada sida ku cad qodobbada 48, 50, 51, 52, 53, iyo Jadwalka koowaad (C), kuwaaso caddeynaya in DF ay si joogta ah, daahfuran, daacadnimo iyo aqoonsi ku jirto ula tashado dowlad goboleedyada ka hor inta aysan tallaabo ka qaadin arrimaha siyaasadda iyo doorashada, nabadgelyada iyo difaaca, dhaqaalaha iyo Maaliyadda, Garsoorka, xiriirka caalamiga ah, iyo maamulka.

    12. In Farmaajo cudurdaar siiyo beesha caalamka oo uu ka abaal dhacay kaalinta ay ka soo qaadatay dib u dhiska qaran Soomaaliyeed oo lugihiisa ku istaaga iyo muddada dheer ee uu iska dhega tirayay talooyinkii wax ku oolka ahaa ee sannadihii la soo dhaafay loo soo jeedinayay si looga badbaado xaaladda murugsan ee Soomaaliya maanta ku sugan tahay.

    Dhaqanka Madaxweyne hore Farmaajo wuxuu dhaawacay sumcadda beesha caalamka iyo kalsoonida iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Waxaan rajeynaya in mucaaradka aysan ku jaahwareerin muluqmaaluqda iyo gebidhacleynta Farmajo oo hadba la soo baxaya dhuumashaalow.

    Haddii tallaabooyinkaas hirgalan ka hor wada hadalka habka fulinta doorashada dadban ee lagu heshiiyay, xaaladda Soomaaliya waxay yeelaneysa yididiilo cusub iyo rajo horumar iyo nabadgelyo.

    Commentary on Presidential Decree Legalizing 2016 Election

    W/Q: Dr. Maxamud M Culusow

    Farmaajo Maxamuud Culusow Muddo kororsi Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo Qarax lagu dilay iyo faahfaahin laga helay
    Next Article DEGDEG: Madaxweynihii dalka Chad oo la dilay isagoo dagaalka hoggaaminaya iyo faahfaahin..

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo