Dood badan ayaa ka taagan bannaanbax la sheegay inu berri ka dhacayo magaalada Muqdisho, waxaana saacadihii ugu danbeeyay warbaahinta dowladda ka hadlayey siyaasiyiin iyo culimo taageeraya dowladda oo mamnuucay in bannaanbaxyada.
Dadka ka hadlay inaan bannaanbax la qaban karin waxaa ka mida siyaasiyiinta Salaad Cali Jeelle, Cali Maxamed Geedi, Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Cali Wajiis, Taliyaha ciidamada Booliska, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale, waxayna bannanbaxa ku tilmaameen mid qas looga damacsan yahay oo lagu abuurayo nabadgelyo darro.
Xildhibaannada, Culimada iyo Siyaasiyiinta taageersan dowladda ayaa bannaanbaxyada shardi uga dhigay inay fasax ka qaataan dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir, laakiin sida ku cad dastuurka KMG ah ee lagu dhaariyey madaxweynaha Soomaaliya ayna ku dhisan tahay dowladda waxaa la qaban karaa bannaanbax iyadoo aan weliba fasax loo baahneyn.
HOOS KA AKHRISO QODOBKA DASTUURKA
Qodobka 20aad. Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka
(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.
(2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.
