Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Faysal Samow Shaahidkii Shahiidka ahaa.!!!

    Faysal Samow Shaahidkii Shahiidka ahaa.!!!

    December 23, 2018Updated:December 23, 20183 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada aadka u fir-fircoon ee dalka gudisiisa wax ku bartay, sidoo kalana ka shaqaynayay horumarinta iyo dhiiragalinta dhalinyarada iyo ardayda haatan ku jira waxbarashada.

    Faysal wuxuu ku dhashay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan Sanadku markii uu ahaa 1988, wuxuu ka mid ahaa qoys ka kooban 14-ruux marka lagu daro Hooyo iyo Aabe.

    Waxbarashadiisa aas-aasiga ah, sida hoose dhexe iyo sare wuxuu ku soo qaatay magaalada Baladwyne, sidoo kale 2016-kii ayuu ka baxay Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) xarunteeda magaalada Muqdisho, kulyada maamulka iyo Ganacsiga. “SAWIRKA 1-AAD”

    Faysal marka laga soo tago waxbarashadiisa wuxuu sidoo kale haatan wuu ka shaqaynayay Waxbarista Ubadka Soomaaliyeed ee soo baxaya.

    Image may contain: 1 person, standing and outdoor

    Wuxuu ahaa Macalin wuxuuna mid ahaa Macalimiintii ugu horeeyay ee loo qaatay Barnaamijka Aada dugsida (Go to School), wuxuuna macalin ka ahaa Afartii sano ee ugu dantaysay Dugsiga Yaasiin Cismaan ee ku yaala degmada Boondheere.

    Xasan Jimcaale Cadaan oo ah maamulaha Dugsiga Yaasiin Cismaan ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Faysal uu ahaa macalin fir-fircoon, oo dabeecad wanaagsan leh, sidoo kalana xiriir fiican la leh macalimiinta ay wadashaqaynayeen iyo ardayda iskuul-ka.
    Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow wuxuu ahaa shaqsi markasta waqtigiisa ugu badan ku bixiya dhiiragalinta Dhalinyarada, isagoo ku dhiiragalinayay inay waxbartaan.

    Wuxuu aas-aasay Xarunta Tababaratad iyo Horumarinta Ardayda Soomaaliyeed, taas oo ka shaqaysa kobcinta Aqoonta dhalinyarada.

    2016-kii Allaha u naxariistee Faysal Aabihiis Salaad Samow iyo wiil ay walaalo yihiin ayaa maleeshiyaadka Al-Shabaab waxay ku dileen magaalada Baladweyne, iyagoo sidoo kale halkaasi ku dhaawacay wiil kale oo ay wada dhasheen Faysal.

    28-kii October 2017-kii wiil kale oo la dhashay Faysal oo lagu magacaabi jiray Bile Salaad Samow ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay ku dileen Qarax ay ka gaysteen Hotelka Naasahablood-2, ee magaalada Muqdisho. “SAWIRKA 2-AAD”

    Bile Salaad Samow ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay ku dileen Qarax ay ka gaysteen Hotelka Naasahablood-2, ee magaalada Muqdisho
    Bile Salaad Samow ayaa maleeshiyada Al-Shabaab waxay ku dileen Qarax ay ka gaysteen Hotelka Naasahablood-2, ee magaalada Muqdisho

    22-December 2018, oo shalay ahaydna Al-Shabaab waxay Qarax ku dileen Allaha u naxariistee Faysal Salaad Samow.

    Ka hor inta uusan uusan geeriyoon Faysal wuxuu ka bad baaday Qaraxa Al-Shabaab ay ku qarxiyeen meel u dhow Tiyaayarka Qaranka, Ka dibna wuxuu tagay isagoo nabad qaba Dugsiga uu macalinka kahaa ee Yaasiin Cismaan, wuxuuna Bartiisa Facebook-ga ku soo qaray inuu ka bad baaday Qaraxa, laakiin wuxuu ku geeriyooday Qarax kale oo Al-Shabaab ay ka gaysteen meel u dhow Dugsiga uu ku sugnaa ee Yaasiin Cismaan.”SAWIRKA 3-AAD”

    Ehelada Marxuumka iyo Maamulka Iskuulka uu ka shaqaynayay ayaa inoo sheegay in Allaha u naxariistee Faysal uu isku diyaarinayay Sanadka cusub inuu guursado, iyadoo loo doonay Gabadhii uu guursan lahaa.

    W/D:- Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar

    Feysal Samow Maxamed kaafi Muqdisho Qarax
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKASHIFAAD: Muxuu Guddoomiye Mursal ku bedeshay Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo..?
    Next Article XOG: Guddoonka Baarlamaanka oo weli isku khilaafsan Qodobkii dhaliyey Mooshinka Madaxweynaha

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo