Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somalialnd Feysal Cali Waraabe oo ka qeyb galay shirkii Brussels ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay kulan la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayna ka wadahadleen arrimo badan.
Feysal Cali Waraabe iyo Cali Khaliif Galeyr ayaa magaalada Brussels kulan kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankaasi uu sheegay Feysal Cali Waraabe in arrinta Tukaraq ay ka wadahadleen Farmaajo, isaguna uu ka dhaartay inuu wax lug ah ku leeyahay, taasoo ay rumeysteen sida uu yiri.
HOOS KA DAAWO WAREYSIGA