Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland u sheegay inaysan dooran musharxiiinta ay wataan dalalka deriska ah.
Feysal Cali Waraabe ayaa xildhibaanada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ku tilmaamay inay yihiin marti, wuxuuna sheegay inuu kula dardaatmay inay u codeeyaan qofka danta u ah dadka ay la joogan sida uu yiri ee aysan aqbalin laaluush iyo cagajugleyn.
Wuxuu caddeeyay inuu si weyn uga horjeedo dib u doorashada Xasan Sheekh oo uu weerar ku qaaday hogaankiisii intii uu talada hayay.
DHAGEYSO