
Shilka lagu xasuuqay maatida ka dhacay Bariire, Shabeelaha Hoose oo xukuumaddu warar is burinaya ay ka bixisay iyo dhibiisti Halgame Cabdikariim Sheikh Muuse ’’Qalbi Dhagax’’ labadaba waxa lagu sifeyn kara in dawladdu tallaabooyinka ay qaaday in aaney si qoto dheer uga fiirsan.
Alley lehe shil qaran baa dhacay. Waxaa halka ka muuqaneysa in xukuumaddu aaney lahayn strartejiyo isgaarsiin ’’Communication Strategy’’ oo si cad u qeexiheysa cidda masuulka ka ah wararka ka soo baxaya laamaha kala duwan ee dawladda ee ku aadan fulinta hawlaha ummadda ay u igmatay.
Labada dhacdo waxaa lagu tilmaami kara ’’THE FORMAGGIO FIASCO’’. Waxana kalimada FIASCO ay macne ahaan noqoneysa ”arrin markiisii horeba si xun loo qorsheeyay oo si foolxumo ahna ku dhamaaday”.
Ilaa burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya muddo haatan ku dhow 30 sano, dhacdooyinka kala duwana ee dhiilada xambaarsan ee soo maray dalka oo qalbi xanuunka ku reebay ummadda waa wejiyo badanayeen. Waxaana ugu darnaa markii Soomaaliya lagu shaabadeeyay in dalku yahay qaran jabay oo lunshay dhamaan waxybaha tiirarka qaran-dawladda ah ’’Nation-State’’. Dalku wuxuu xarun u noqday argagagisada caalamiga waxaana dalka loo kala qoqobay federaal qabiil ku dhisan oo isticmaarku wuxuu doono ka sammeysan karo.
Markii horeba shirkii ka dhacay tuulada Carta, Djibouti waxaa la isku dayay in mashkilada Soomaalida lagu daaweeyay habka qabaliga ku dhisan ee awood qaybsiga 4.5 ama 5 iyo nidaamka federaalka oo isna qabilqabiilka ku dhisan.
Labadaas hab dawo u ma noqon mashkilka Soomaalida ka dhex aloosan ayadoo la soo tijaabiyay 17kii sano ee ugu dambeeyay (2000 – 2017). Muddadaa labadaas hab midkoodna xal waa noqon waayay in la soo afjaro dhibaatada gaamurtay ee halakeysay dalkan.
Si khiyaano ku jirto, waxaa lugooyadaas sabab u ahaa cadawaaha Soomaalida oo ay ka mid yihiin quwadaha waaweyn oo hore Somalia shan u kala qaybiyay iyo wadamada deriska oo heysta qaybo waaweyn oo dalka ka mid ah. Kama maqneynin hadimadaas daba-dhilifka iyo dib-u-socodka gudaha oo Soomaali sheeganaya.
Gumeysiga duuga iyo kiisa cusub waxa istratejyadooda ay ku dhisan tahay in shacabka Soomaalida qabiilqabiil loo kala qaybiyo kaddibna sidaa uu ku galo xukun gumeysi ah oo iska daldasho kheyraadka Ilaah dalka ku maneystay halkaana ummadda Soomaalida ay ku abaadiso saboolnimo iyo dib-u-dhac joogto. Ilaah baan ka magan galnay inay sidaasi nagu dhacdo.
Bacdama maamulka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed markii uu qabtay xukunka dalka sannadkan horaantiisi waxaa shacabku rajo ka qabay inay bilaabaneyso waqtigi la isku dayi doono in xal loo heli doono mashaakilka dalka ayadoo dawldda cusubi ka faa’iideysaneysa taageerada shacabku u hayo. Ummadda waxay maamulka ku soo dhaweeyeen taageero buuxda iyo caleemo qoyan waxayse noqotay halkii ’’CIR LAGA FILYAY INAY CEYRAAMO KA TIMI’’.
ALLEY LEHE SHIL BAA DHACAY. Gacan gelinta Abdikariim Qalbi-Dhagax loo gacangeliyay maamulka Tigreega wuxuu ahaa shilkii ugu xumaa ee dawladda ku dhaco waxaana tallabada masuul ka ahaa maamulka Madaxweynaha, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed, Ra’iisal Wasaaraha Hassan Cali Kheyre iyo Golayaasha Qaranka ayadoo tallabadaas aan loo cuskan oo wax sharci ah oo hore ay u dhigteen labada dal.
Ma jiro ‘’Extradition (or deportation) Agreement’’ oo sharciyan qeexaya in labada dalka ay is weydaarsadaan ama isu soo celiyaan dadka dalkooda dembiyada ka soo gala inkastoo Gobollada dalka qaarkooda ay Ethiopia ugu gudbiyaan dadka u halgamaya xoriyaddadooda.
Waxa maalin dhoweyto shacabka ay si weyn u soo dhaweeyeen markii xabsiyada Ethiopia laga soo sii daayay maxabiis Soomaali ah oo halka ay qaarkooda ku xirnaayeen muddo ka badan 20 sano. Shacabka wuxuu sida roobka oo kala amaan iyo duco dusha uga tuuray xukuumada Ra’sal Wasare Kheyre uu garwadeenka ka ahaa arrinta soo deynta maxabiista. Waxaa shacabku u heysteen inuu ahaa goolki ugu quruxda badnaa oo ay dhaliyeen xubnaha dawladda hadda dalka ka talisa. Runtuse ma ahayn sida dhabta ah ee xaajadu u dhacday inkastoo shacabku ay si laab la kaca arrintaas ugu soo dhaweeyeen. Laakinse waxaa hadda muuqaneysa inuu jiray heshiis si hoose u dhex maray, ama hadda ama mar hore, xukuumadaha Addis Ababa iyo Muqdisho kaasoo ahaa in Soomaalida ku xiran xabsiyada laga soo sii daayay xabsiyada Ethiopia sidaana lagu bedesho Cabdikariim Qalbi-Dhagax iyo dadka la midka ah oo lagu wareejiyo taliska Tigreega.
Ilaahiisa buu qaba laakinse u maleyn mayo in Cabdikariim sariir xariir ah loo gogli doono. Sida laga bartay dadka u halgama gobannimada dhibaatada halganka wax culeys ah uma arkaan oo waxaa ka weyn halka ay tiigsanayaan. Waa inaan u duceyna in Ilaah u sacabo hooriyo Halgame Cabdikariim iyo kuwa la mid ah ee gacanta gumeysiga ku jira.
Halgame u dhashay dalka South Afrika oo lagu magacaabi Jiray Steve Biko una dagaalami jiray sidii shacabka madowga ah loogaga xoreyn lahaa midabtakoorka cadaanka tirada yar ayaa markii uu noola waxaa hadalladiisa ka mid ah: ‘Xukuumada Midabtakoorka waa I xabisi karaan, waa I jir dili karaan, waa I dili karaan weliba waa I dhufaani karaan’. Laakinse fekerka maskaxdeyda ku jira igama bi’I karaan.
Steve wuxuu u geeriyooday September 12th, 1977 dhaawac ka soo gaaray madaxa mar uu ku jiray xabsiga midabtakoorka koonfur Afrika.
SHILKA BARIIRE!
Waxaa kaloo istaahil ah in la xusuusto erayada is burinayay ee ka soo yeeray xukuumada oo ku saabsana shilka ka dhacay Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Tallabadaas waxay horseedeysa in aan sinaba loo rumeysan kari doonin wararka ka soo baxay dhinaca dawladda bacdama aaney jirin il qura ee wararka rasmiga ah ay ka soo baxaan oo shacabku ku kalsoonaan karo. Waa in xukuumaddu iska ilaaliso wax kastoo jahawareer gelin kara shacabka dhibaatada soo daashatay muddo ku dhow 30 sano.
Shacabka Soomaalida oo wadaniyiinta ah oo ay hoggaaminyaan Bulshada Madaniga waxaa la gudboon inay ka dhiidhiyaan waxyaabaha foosha xun ee dalka ka dhacaya iskana ilaabaan qabiyaalada lagu kala qaybiyay.
Dawladda oo mudada ay xafiiska heyneyso xafiiska uu waqti badan ugaga hararay waa inay isku daydu inay soo ceeshato kalsooni dhaawacan tahay oo ay shacabku ku qabeen kana digtoonaato wararka jahawareerka ku keenaya mujtamaca oo kalsoonida dilaya.
Geeri ama gobannimo!
W/Q: C/qaadir Maxamuud Walaayo
Ruug-caddaa saxaafadeed, Afhayeenkii hore ee xukuumadda Soomaaliya