Muran iyo is qabqabsi xoog leh ayaa ka dhashay doorasho lagu waday inay maanta ka dhacdo magaalada Muqdisho oo lagu dooranayo Kursi ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Buuqa ayaa goobta is qabsaday markii mid ka mida musharixiinta u tartamaya kursiga Baarlamaan uu bilaabau inuu khudbad jeediyo. Musharaxa C/raxmaan Axmed Ceynaan ayay arrintani qabsaday, taasoo keenay markii goobto fowdo noqotay in ciidamada ammaanka ay dibadda uga saareen hoolka doorashada 20 ka mida ergada doorashada oo laga qaadaya kaararkii ay siteen.
Kursigan waxaa hore uga geeriyooday Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi, waxaana tartamaya wiil uu dhalay Faarax Saciid Xasan iyo musharaxa kale ee Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan oo ay fowdo ku furaan taageerayaasha wiilka xildhibaankii hore.
Doorashada Kursiga oo ay leedahay Beesha Samaroon (Gadabuursi) ayaa dib loo dhigay kadib markii xaaladda ay noqotay mid cakiran, waxaana guddoomiyaha guddiga doorashada madaxa-bannaan Xaliimo Ismaaciil Yarey ay ku dhawaaqday in doorashadii maanta ay dib u dhacday, ayna soo sheegi doonaan xilliga la qabanayo.