Waxaa lagu waday inuu maanta oo Axad ah furmo Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu shalay shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa baaqday iyadoo aan la shaacin sababta.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa maanta iska xaadiray Xarunta Baarlamaanka si ay kalfadhiga koowaad uga qeyb galaan, laakiin waxaa lagu wargeliyay inuu shirka dib u dhac ku yimid. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in furitaanka Kalfadhiga 8-aad uu dib ugu dhacay maalinta beri.
Guddoomiye Jawaari ma sheegin sababta baajisay furitaanka Kalfadhiga Sideedaad ee Baarlamanka Soomaaliya, waxayna wararka qaar sheegayaan in madaxweynaha oo lagu waday inuu furo kalfadhiga uu ku mashquulay shirka Madasha Qaran ee isna ka furmayay isla maanta magaalada Muqdisho, isagoo codsaday in dib loogu dhigo beri.
Wadani.com