Olole weyn oo la sheegay in lagu sameynayo mashruuc dadka Soomaaliyeed loogu abuuro shaqo, haddana Soomaalida ay bixineyso lacagta ayaa Muqdisho daaha looga rogay maanta.
Masharuucan waxaa ka dhex muuqda dad kala duwan oo madax xilka heysta ka mid yihiin, kuna jiraan qurbojoog fara badan, siyaasiyiin iyo waxgarad kala duwan oo qeybaha bulshada ka mida, waxaana si weyn iidheh ugu sameeyay FURSADFUND qurbe joog baraha bulshada weyn ugu camiray sawiro.
Furitaankii barnaamijkan waxaa ka dhex muuqday xildhibaanno, wasiiro iyo dad kale oo bulshadu taqaan, waxaana Video loo sameeyay sidoo kale uu dadka Soomaalida ku booriyay inay isku tashadaan oo iyaga is caawiyaan.
- Fursadfund waa iskaa wax u qabso
- Fursadfund waa isku tasho
- Fursadfund waa adiga wax qabso
- Fursadfund waa dalkaada dhiso
Waxay ahaayeen ereyo wanaagsan oo lagu furay barnaamijkan oo muddo dheer laga soo shaqeynayay, waxaana la sheegay inuu yahay fikrad Soomaaliyeed oo looga baxayo ku tiirsanaanta deeq bixiyeyaasha.
Arrimahan oo dhan waxay ahaayeen sidii ilaa hadda loo macneeyay qorshe qaran oo Soomaalida lagu kaalmeynayo, Soomaaliduna ay tahay tan kaalmada dhiibeysa…!! waa fekrad aad u fiican marka guud ahaan loo eego.
Marka aan u soo daadegno cidda mas’uulka ka ah ee qorshahan aliftay waa Wasiirka Qorsheynta dowladda Federaalka C/raxmaan Ceynte oo haddana ka mida mamaulayaasha (Board of Directors).
Haddii aad eegto Golaha maamulka qorshaha Fursadfund waxaa ku jira:
- Sheikh Bashir Salaad Guddoomiyah Hay’adda Culimada.
- Dr. Deqa Mohamed Gudoomiyaha Tuulada Kaamka Xaawa Cabdi.
- Yusuf Haile Jimale Xildhibaan ka tirsan Baaralmaanka oo aasaasay ururka SOHEIDA.
- Dr. Maryam Qasim Wasiir hore iyo ergey sharafeed UNICEF oo xukuumadii Soomaaliya magacwday.
- Abdirahman Aynte Wasiirka Qorsheynta dowlada Federaalka.
- Hassan Yusuf Guddoomiyaha Bankiga IBS.
- Mohamed Omar nin u dhaqdhaqaaqa dhalinyarada degan Boorame.
- Prof. Mohamed Ali “Kalaay” wasiir hore Guddoomiyaha Jaamacadda Southern ee Baydhaba.
- Sahro Koshin Gudoomiye ku xigeenka Machadka Garowe ku yaala ee SIDRA.
- Prof. Abdulqadir Hikam Guddoomiyaha Jaamacadda Kismaayo.
Dadkan sare ku xusan waa dad magac iyo maamuus leh, haddana xilal kala duwan haya oo qaarkood iska horjeedaan, C/raxmaan Ceynte oo hadda wasiir ah, lehna hal abuurka wuxuu qorshaha ku keeni karaa in dad badan ay ka cararaan una arkaan mid dowladda gacan ku leedahay.
Shaqsiyaadka kale waxay u muuqdaan kuwo laga dhaadhiciyay fekradan oo guud ahaan haddii ay si fiican u shaqeyso ah mid waxtar u yeelan karta umadda, waxaase is weydiin leh su’aalaha soo socda:
- Yaa maamulaya dhaqaalaha laga ururinayo umadda???
- Sidee loogu kalsoonaan karaa dadkan..???
- Sidee degaanada Soomaalida loo kala mudnaan siinayaa???
Meesha mashruuc weliba oo Soomaaliyeed u dhutiyo waa isla xisaabtan la’aan iyo iyadoo aanay jirin xisaab xir cad oo la wada ogyahay, olole kasta oo Soomaaliya laga fuliyo iyo cid waliba oo ku jirta culimo, caamo iyo aqoonyahan waxay isugu biyo shubtaan weel hoos ka daloola oo aan la ogaan dhammaadkiisa ama waxa lagu qabtay, haba ugu danbeeyo ololihii loogu gargaarayay qaxootiga Yeman kasoo laabtay oo culimo badan hormuud u ahayd.
Ugu danbeyntii in FURSADFUND tahay koox Qalin shubato ah oo mashruuc u sameystay dhaca dadka iyo inuu yahay mashruuc la isku aamini karo oo ugub ah kana duwan dhaqankii Soomaalida looga bartay waxaa kala caddeyn doona waqtiga ee aan ku tijaabino bilaha hore sida ay u dhaqmaan iyo inay afkooda iyo dhaqankooda is waafajiyaan.
Waxaa kaloo xusid mudan inuu qorshaha FursadFund ka hor imaanayo ama la mid yahay mashruuc uu dhowaan ku dhawaaqay Maamulka Gobolka Banaadir oo halku dhigiisu ahaa “DALKAADA DHISO” oo dadka loogu baaqay in hal doolar uu ku bixiyo mashruucaasi si dalka loogu dhiso.
Marka mashaariicdu bataan, qorsheyaashu is jiiraan, horjoogayaashu noqdaan isla kuwii hore bulshadu u baratay, waxaan shaki la’aan yaraanaya kalsoonida dadka.
SAWIRRO
FAALLADDA GOOBJOOGE.COM