Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Baarlamaanka»Fursad ma siin lahayd Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir..? [Musharaxa Guddoonka Baarlamaanka]

    Fursad ma siin lahayd Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir..? [Musharaxa Guddoonka Baarlamaanka]

    January 8, 20173 Mins Read Baarlamaanka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Intii aanu siyaasadda ku soo biirin wuxuu ahaa aqoonyahan, samafale iyo xubin firfircoon oo ka mida bulshada rayidka ah, wuxuu la soo shaqeeyay hay’adaha samafalka, wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaasha Mac-hadkii SIMAD ee noqday Jaamacadda SIMAD.

    Faarax Sheekh C/qaadir wuxuu sanadkii 2012 qaaday tijaabo guuleysatay oo Aqoonyahanadda dalka ay uga qeyb galeen markii ugu horeysay talada dalka oo 20 sano u xirneyd hogaamiye kooxeedyo, waana halkaas meesha kaalintiisa siyaasadda ay ka soo shaac baxday.

    Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir

    Xilka Madaxweyne ee uu ku guuleystay saaxiibkii ay isku xibsiga ahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud, waxay ahay bilowgiisii siyasadeed. Intii uu siyaasadda ku jiray wuxuu Faarax Sheekh C/qaadir kasbaday  taageerayaal iyo mucaarad is barbar socda, wuxuuna noqday shaqsiga koowaad ee lagu jeediyay indhaha dadka iyadoo lagu eedeynayo arrimo ay ka mid yihiin:

    • Ninka qarsoon ee taladu ka go’do.
    • Wasiir ka sareeya dowladda oo dhan.
    • Inuu halis ku yahay beelaha waaweyn.
    • Inuu Itoobiyaan yahay, una shaqeeyo Amxaarada
    • Iyo eedo kale oo fara badan

    Dadka sida weyn u eedeeya ama dacaayadaha ka fidiya Xildhibaan Faarax waxay u badan yihiin dad cabsi ka qaba isbedel ka dhaca dalka, siyaasiyiinta beelaha waaweyn ee ku soo baxay dagaaladii sokeeye iyo shaqsiyaad dano dhaqaale ku raadiya qaabkaas.

    Xilalkii uu ka qabtay dowladii uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh waxay u kala horeeyeen sida soo socota:

    1. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka
    2. Wasiiru dowlaha Madaxtooyada
    3. Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha Dastuurka
    4. Wasiirka xanaanada xoolaha (Xilkan oo aanu ku shaqeyn)

    Dadka taageersan Faarax Sheekh C/qaadir waxaa u cad waxqabadakiisa waxayna ku doodayaan:

    • Inuu yahay shaqsi wax u qabtay bulshada oo lagu yaqaanay howlaha samafalka iyo adeegyada Bulshada.
    • Inuu hormuud ka ahaa heshiiskii dhex maray dowladda Federaalka iyo maamulkii Axmed Madoobe oo ahaa caqabadii ugu weyneyd ee ka hor timid dowladii Federaalka.
    • Inuu Dib u dhis ku sameeyay wasaaradda Cadaaladda, isla markaana ka soo shaqeeyay dhismaha hay’adaha garsoorka dalka.
    • In dowladii uu ka midka ahaa ay baabi’isay nidaamkii awood qeybsiga golaha wasiirada ee ku dhisnaa 4.5-ka. Markii ugu horeysayna la dhisay dowlad ay tiro isla eg u dhan yihiin beelaha Soomaalida oo dhan.
    • In Soomaali badan ay caddow ku yihiin shaqsiyaadka guuleysta ee kartida waxqabad leh, halkii ay ka  taageeri lahaayeen.

    Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo hadda u sharxan xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka wuxuu xaq u leeyahay in xildhibaanada Baarlamaanka ay siiyaan fursad uu uga mid noqdo guddoonka Golaha Shacabka arrimaha soo socda awgood:

    • Waa aqoonyahan uu dhiggiisa ku yar yahay xildhibaanada Baarlamaanka gudahooda.
    • Waa howlkar aan looga maarmin geedi socodka Dastuurka dalka iyo xilliga kala guurka ah ee dowladnimada Soomaalida ay mareyso.
    • Waa dhiig cusub oo kacaan waxqabad gelin kara Guddoonada Baarlamaanka Soomaaliya oo looga bartay caajiska iyo fadhiidnimada.

    Ugu danbeyn Baarlamaanka cusub ee 10-aad shaki ma laha inuu u baahan yahay guddoon uu ka dhex muuqdo Faarax Sheekh C/qaadir oo xaqiijin kara isbedel, lehna aqoon iyo karti shaqo oo ay Soomaaliya uga gudbin karaan marxaladan adag.

    Baarlamaanka Doorashada 2016 Faarax Sheekh C/qaadir Musharax Faarax C/qaadir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAkhriso: Magacyada Musharixiinta ku tartamaya Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland
    Next Article TOOS U DAAWO: Khudbadaha musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka soo socda

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo