Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada degaankaasi ay ay Koontaroolka duleedka magaalada ku qabteen Gawaari Xamuulka ah oo looga shakisan yahay inay sidaan Saanad ciidan.
Gaadiidkan oo gaaraya Lix Gaari oo kuwa waaweyn ayaa ka yimid dhinaca Gobolka Mudug, waxaana la sheegay inay ku sii jeedaan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, waxaan saaran saanad ciidan, iyadoo looga shakiyey inay sidaan hub iyo agab kale.
Qaar ka mida Gaadiidka ayaa lagu arkay Silligga ay ciidamada adeegsadaan iyadoo qaar kale ay saaran yihiin Konteenaro xiran, waxaana arrintan doonaya inay baaraan ciidamada Booliska magaalada Cadaado, balse darawalalda ayaa diidan in la baaro waxyaabaha saaran gaadiidka.