Gaadiidka xamuulka ah ee ka shaqeeya daabulka shixnadaha ayaa laga joojiyay inay u shaqo tagaan dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka badda Maryan Aweys Jaamac ayaa sheegtay in Wasaaradda Dekedaha ay hakisay Gaadiidka Xamuulka qaada ee ku sugan Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho si loo dardar geliyo Gurmadka lagu samata bixinayo Dadkii ku dhaawacmay ee ka socda magaalada.
Wasiirka ayaa sheegtay in sababta Dekedda loogu xanibay Gaadiidka Xamuulka qaada ay tahay in aysan Mashquulin Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo ay caqabad ku noqon karaan Gurmadka socda si loo fududeeyo isku socodka howlaha gurmadka.
Dekadda Muqdisho waxaa ka shaqeeya gaadiidka ugu badan ee waaweyn oo ay ku jiraan kuwo xilli hore howlgab noqday, waxaana wararka ay sheegayaan inuu jiro qorshe Gaadiidka Xamuulka ah looga mamnuucayo Wadooinka Magaalada Muqdisho in ay Isticmaalaan Maalintii oo dhan.
Lama sheegin inta ay socon doonta xayiraadda gaadiidka xamuulka ah ee la xayiray, waxaase la filayaa in dhowr maalmood ay socon doonto.