Waxaa duleedka magaalada Cadaado baaritaan lagu sameeyay Gaadiid xamuul ah oo siday Konteenarro loogha shakiyey hub iyo saanad kale.
Baaritaanka ayaa waxaa sameeyay Saraakiil ciidan kadib markii ay duleedka magaalada ku xayirnaayeen 6 Gaari oo nooca xamuulka ah, waxaana baaritaanka oo qaatay muddo lix saacadood ah natiijadiisii noqotay inaan laga helin wax hub iyo saanad ah.
Afar gaari ayaa waxba laga waayey iyagoo faaruq ahaa, halka labada kale ay sideenĀ silliga loo adeegsado xarumaha ciidamada iyo Sanduuqyada shabaqa ah ee ciidamadu ay dhufeyska ka dhigtaan ee Ciidda lagu shubo.
Gaadiidkan ayaa shaki weyn abuuray iyadoo la sheegay inaan ilaa iyo hadda la aqoonsan cidda leh iyo halka ay rasmi ahaan u socdaan, waxayna wararku sheegayaan in laga keenay dalka Jabuuti, ayna ku sii jeedaan magaalada Muqdisho.