Qasaarihii ugu badnaa ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo kadib markii dagaal culus oo maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa kii ugu qaraaraa ayaa la sheegay inay ku dhinteen in ka badan 20 ciidamo ah iyo dhaawac ka badan 25 kale.
Gaari dagaal oo ay leedahay Galmudug ayaa la xaqiijiyay in lagu qabsaday dagaalkii maanta, isla markaana lagu dilay taliyihii aagga galbeedka Gaalkacyo ee ciidamada Puntland. Warar laga helay dhinaca Galmudug ayaa lagu sheegay in dagaalkii maanta ay ku qabteen sarkaal ka tirsan ciidamada Puntalnd oo magaciisa lagu sheegay Dhuun-sahal .
Wararka laga kala helay isbitaalada labada dhinac ee magaalada Gaalakcyo ayaa sheegaya 10 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland lagu dilay dagaalka iyadoo lagu dhaawacay 12 kale, halka ciidamada Galmudug looga dilay 8 askari 14 kalena lagu dhaawacay.
Dagaalka ayaa weli socda, iyadoo qasaaraha shacabka soo gaartay aan weli la helin, waxaana socda barakac dadkii ugu dambeeyay ee agagaarka dagaalku ka socdo ku haray.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa midba kan kale ku eedeeyay dagaalka saaka dhacay, waxayna sheegeen inay is difaacayaan.
Wadani.com