Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamada Amniga ay ka hortageen, gacantana ku dhigeen Gaari Dameer sida Qaraxyo.
Arrintan ayaa xalay ka dhacday degaanka Baardheere oo magaalada Beledweyne ka xiga dhinaca Koonfureed, halkaas oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin saldhig, waxaana la sheegay in Gaari Dameerka ku socday Saldhigaasi.
Gaariga Qaraxa siday ayaa laga war helay, waxaana ka hortegay ciidamada, iyado uu iska hor imaad dhex maray maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo Gaari-dameerka ilaalo ka hayey, waxaana dhaawac kasoo gaaray qaar ka mida Askarta.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay Gaar-Dameerkii siday qaraxyada, waxaana baxsaday xubnihii Al-shabaab ee waday Qaraxyada.
