Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay qabteen gaari qarax laga soo buuxiyay.
Saraakiisha ciidamada Nabadsugidda ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Gaari noociisu yahay CARIB, kaasoo la soo dhigay agagaarka Haanta-dheer ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in gaarigan la doonayay in loo adeegsado fal qarxin ah oo laga fuliyo magaalada Muqdisho.
Dadka degaanka ayaa la sheegay inay ciidamada ku wargeliyeen gaarigan oo laga shakiyay oo hadda lagu wado baaritaan dheeraad ah.