Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu ku qarxay magaaladaasi gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Qaraxa ayaa ka dhacay Degaanka Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho. Waxaana gaariga qarxay ayaa lagu sheegay inuu ahaa baabuurta yaryar ee nooca raaxada.
Gaariga qarax waxay ayaa la dhigay meel ku dhow isgoyska Suuq Bacaad, halkaasoo uu ku qarxay, waxaana ku dhaawacmay 4 qof.
Ciidamada dowladda ayaa halkaasi gaaray waxaana la sheegay in la qabtay ninkii waday gaariga qarxay iyo bistoolad uu watay, iyadoo baaritaanno ka wada halkaasi, waxaana xayirmada isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Wadani.com